War murtiyeed laga soo saarey Shirkii Hiil Khaatumo.
Waxaa qabsoomey shir balaadhan oo qadka Telefoonka ah oo ay kasoo qayb galeen dadweyne Soomaaliyeed oo gaadhaya ilaa 500 kana soo galay khadka Lix-da qaaradood ee Aduunka.
Shirku waxa uu dhageystay masuul sare oo kasocday maamulka Khaatumo State of Somalia, kaas oo warbixin buuxda ka bixiyay xaalada dhabta ah ee kajirta deegaanada Khaatumo.
Mas’uulku wuxuu xusay weerarada joogtada ah eek u hayo maamulka Somaliland deegaanada Khaatumo ilaa aasaaskii maamulka Khaatumo State of Somalia gaar ahaana weeraradii Taleex iyo Saaxdheer oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac balaadhan oo ka dhacay deegaanadaas, mas’uulku wuxuu hoosta ka xariiqey in ujeedooyinka gurucan ee maamulka Hargeysa yihiin ka hortaga Aayo-katashiga dadka reer Khaatumo iyo burburinta midnimada ummada Soomaaliyeed.
Shirku markii uu dhageystay warbixinadii iyo talooyinkii lasoo jeediyay wuxuu soo saarey qodobadan hoos ku qoran:
- Shirku wuxuu u diray Hambalyo iyo Bogaadin shacabka iyo mas’uuliyiinta reer Khaatumo, sida geesinimada leh ee ay ugu dhabar adeygeen gardarada qaawan ee maamulka Hargeysa, dhinaca kale shirku wuxuu ku tilmaamey guul taariikhi ah dhismaha maamulka cusub ee dawlad goboleedka Khaatumo State of Somalia, shirku wuxuu ugu baaqey shacabka iyo dawlada cusub ee reer Khaatumo inay ka wada shaqeeyaan adkeynta midnimadooda si ay u gaadhaan guusha ay hiigsanaayaan.
- Shirku wuxuu baaq u dirayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo midnimada Soomaaliyeed meeley joogaanba in taageero hiil iyo hooba leh isla barbar taagaan dawlad goboleedka Khaatumo kaas oo u taagan midnimada qaranka Soomaaliyeed.
- Shirku wuxuu usoo jeedinayaa dawlada Federaalka Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka inuu waajib dastuuri ka saran yahay ilaalinta midnimada dhulka qaranka Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen.
- Shirku wuxuu baaq nabadeed iyo digniinba u dirayaa madaxdhaqameedyada, waxgaradka, culumaa’udiinka iyo siyaasiyiinta beesha Isaaq in ay gacan ka geystaan joojinta colaadaha xasuuqa iyo barakicinta uu wado maamulka hargeysa ka arrimiya, kaas oo sababay dhiiga ku qubanaya deegaanada SSC, masuulna ka yahay maamulka Soomaali-diidka ah ee hargeysa. Waxaa idin xasuusineynaa inay waajib Soomaalinimo, Islaanimo iyo dhaqanba idinka tahay in arrintan aad isu taagtaan wax ka qabashadeeda.
- Waxaan Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecel ugu baaqeynaa inay ka fiirsadaan mucaawimada bini’aadamnimo iyo horumarineed ee la siiyo inay u adeegsadaan arrimo milatari iyo dagaal dhul boob ah.
Gabagabo: Shirku wuxuu guddoonsaday barmaamijka Hiil Khaatumo uu yahay xudunta Qadiyada midnimada Soomaaliyeed waajib qarana ay tahay in la is-garab taago.
Wabillaahi Towfiiq
Figradihiina