Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka arimaha gudaha DF Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirka maamul u samaynta G/dhexe oo 1da Bishaan nagu soo fooda leh ka furmi doono magaalada Cadaado.
Wasiir Odowaa, waxa uu sheegay in wali ay halkooda kasii socdaan wadahadalada u dhaxeeya DF iyo Odoyaasha Dhuusamareeb ku sugan.
Waxa uu sheegay in DF go’aankeedi hore uu halkiisa yahay wali, kaasoo ahaa in 1da Bishan nagu soo fooda leh magaalada Cadaado uu ka furmo shirka maamul u samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
“Doowlada Federaalka ayaa leh go’aanka, Odoyaasha Dhuusamareeb iyo Cadaadana waxay leeyihiin fulinta” ayuu yiri wasiir Odowaa.
“Dadaal dheer kadib waxaan rajeeynayaa in dhamaan dadka degan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay ka wada qeyb galaan shirka maamul u samaynta G/dhexe ee 1da Bisha Abriil ka furmi doona Cadaado” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.
Ceegaag.com
Figradihiina