Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxwayne ku Xigeenka Maamulka Khaatumo State Cabdalla Caga-lule oo Maanta Warbaahinta la Hadlaya ayaa Sheegay in Shirkada Telesom aanay dib uga Hawlgali Doonin Dhulka Maamulka Khaatumo State Ka dib Markii Shirkadu Saaka Lacagta Shilinka Maamulka Hargaysa ay ku Badashay Adeegii Zaadka ee Lacagta.
Dhagayso:…Waraysi-Madaxwayne-ku-Xigeenka-Khaatumo-State-Caga-luule
Madaxwayne Caga-lulle ayaa Sheegay in wixii Maanta ka Danbeeya Sida ay ula Dagaalamaan Maleeshiyaadka SNM ay ula Dagaalami Doonaan Shirkada Telesom Isaga oo sheegay in ay iska Dhaga tirtay Fariin ay Hore ugu Direen Shirkadu.
Maamulka Khaatumo ayaa Hore ugu Digay Shirkada Telesom in aysan Deegaanka Khaatumo State ka Hawlgalin adeega Lacagta Shilin Somaliland ta ah Waxaana Maamulka Shirkadaasi uu iska dhaga Tiray Codsigii Maamulka Khaatumo State.
Shirkada Telesom Wali kama Hadlin Arrinta Maamulka Khaatumo Maanta ku Dhowaaqay Lamana oga in Shirkadu Amarka Maamulka Khaatumo u Hogaansami Doonto iyo In kale Waxaasi Hubaal ah in Dadka Reer Khaatumo Arrintan aysan Raali Galin Doonin.
Xigasho:ALLSSC
Figradihiina