Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Cawed Axmed Cashara Oo si Qiiro Leh uga hadlay arinta Ku aadan Musuq Maasuqa Iyo weliba Magacaabistii Xisaabiyaha Qaranka.
Kadib markii uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowlada F somalia xasan sheikh maxamuud xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa waxaa soo baxaya hadalo ku aadan in ay soo dhoweynayaan siyaasiyiin iyo waxgarad ku sugan dalka iyo dibadiisa .
Cawed axmed cashara oo kamid ah siyaasiyiin jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka somalia ayaa isagoo u waramayey warbaahinta muqdisho soo dhoweeyey magacaabista xisaabiyaha guud ee qaranka islamarkaana farta ku fiiqay in la helo la xisaabtan dhab ah oo ku aadan hay,adaha dowlada si loo maamulo qaran ka nadiif ah .
Sidoo kale cawed cashara ayaa daboolka ka qaaday lunsashada hantida qaranka inay sii ragaadinayso dowlad xoog badan oo dalkan dhalata taasina loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka musuq maasuqa isagoo usoo jeediyey baarlamaanka f somalia inay la xisaabtamaan hay,adaha dowlada
Dhinaca kale hadalka md cawed cashara ayaa kusoo beegmaya markii uu dhowaan ka hadlay warbaahinta hanti dhowrka guud ee qaranka nuur jimcaale oo uu sheegay inay xoojin doonaan sanadkan aynu ku jirno la dagaalanka musuq maasuqa si loo yareeyo lunsashada hantida dadweynaha ayay u muuqataa mid dareen wadaninimo ku laab xaaraysa shacabka soomaaliyeed
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina