Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Hotel Jazeera iyo Al-Shabaab oo sheegatay
July 27 (Ceegaag)— Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ismiidaamin ahaa oo lala eegtay Hotelka caanka ah ee Jazeera Palace Hotel, iyadoo qaraxan uu bur buriyay qeybo badan oo ka mid ah dhismaha Hotelka.
Ugu yaraan 15 ayaa la xaqiijiyay in illaa iyo haatan ku geeriyoodeen qaraxan oo ay kudhaawacmeen, waxaana qaraxa uu ahaa mid aad u gil gilay magaalada inteeda kale.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya inay wadaan tira koobka saxda ah khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana xiran wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo KM4.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay gaari weyn oo kuwa xamuulka ah, kaasoo saarnaa qarax tankiisu aad u ballaarnaa, kaasoo lagu dhiftay gidaarka hotelka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxan waxaana afhayeenkooda C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters uu sheegay in qaraxaas khasaare xoogan ay ku gaarsiiyeen waxa uu ugu yeeray cadawga.
Sidoo kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan uu aar-gud u ahaa dadkii lagu laayay Gobollada Bay iyo Bakool.
Marka aad eegto muuqaalka Hotelka iyo sidii uu horay ayaa ah mid aan la qiyaasi karin, waxaana qaraxan uu ahaa mid noociisa aan horay loo arkin.
Dhismayaal ku dhowaa Hotelka ayaa gebi ahaanba bur buray, waxaana la sheegayaa in dhismayaasha qaar ee dumay meydad laga soo saarayo.
Hotelka Jazeera ayaa ah hotel qaab casri ah u dhisan, dhowr jeer ayaa Al-Shabaab ay weerartay, balse khasaarahan maanta oo kale uma gaarin.
Hotelka waxaa degan safaaradaha Shiinaha iyo Qatar, waxaa uu caan ku yahay inay degaan diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladda sida Wasiirada, waxaa uu horay u marti geliyay shirar kala duwan oo dowladdu ku qabatay
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina