Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Agosto 16 (Ceegaag)— Madaxii hore ee Sirdoonka Pakistan Gen. Hamid Gul ayaa geeriyooday, kadib markii uu Maskaxda dhiig kaga furmay.
Hamid Gul ayaa ahaa Madaxii Sirdoonka Pakistan ee (ISI) sanadihii 1987-1989, waxaana uu ka mid ahaa Jeneraaladii ugu caansanaa ee soo maray Milateriga Pakistan.
Sidoo kale waxaa lagu yaqaanay sida uu uga soo horjeestay Mareykanka iyo India, isagoo ku eedeeyn jiray inay ka dambeeyaan rabshadaha iyo xasilooni darada ka jirta Pakistan.
Jeneraalkan howl gabka noqday ayaa ku geeriyooday magaalada Murree oo ku taal waqooyi bari magaalada Islamabad ee caasimada Pakistan.
Waxaa kaloo la xusuustaa taageerada uu u fidin jiray kooxaha hubeysan ee Afghanistan ka howl geli jiray iyo kooxdii islaamiga aheyd ee Gobolka Kashmir ee India gacanta ku heysa ku sugnaa.
In ka badan labaatan sano kaddib markii uu shaqada ka fariistay, ayaa Jenaraal Gul waxa uu inta badan la hadli jiray warbaahinta caalamka, asagoo xukuumadaha Washington iyo Delhi ku eedeyn jiray xasilooni darrida ka jirta dalkiisa Pakistan.
Dadka dhaliila ayaa u arkayay mid aan xaqiiqda ka hadlin isla markaana diidan dimuqraadiya. Balse taageerayaashiisa ayaa ku tilmaami jiray in uu yahay waddani dhab ah oo u taagan Pakistan iyo diinta Islaamka
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina