Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
March 7 (Ceegaag) Mohamed Yusuf Abshir -Walde, wuxuu geeryooday 5 Marso 2016, oo hadana lagu aasay Nairobi, Kenya, 6 Marso 2016. Wuxuu ka qalin jabiyey Columbia University Journalism School (MA in Mass Media) 1968.
Mohamed Abshir Walde, Waxuu ku dhashay gobolka mudug Garacad Degmada Jariiban sanadkii 1938. Wuxuu ahaa rugcadaa warfaafineed, siyaasadeed, ganacsi iyo dhinacyo kaleeto oo bulshada caalamka wax ku soo kordhiyey, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed tan iyo 1960kii, kolkii Soomaali xoriyad dhan ay heshay. Wuxuu Walde, ka soo shaqayey horaantii 1960 dii Laanta Afka Somaliga ee BBC Caalamka oo ahayd aaladdii ama idaacadii ugu afdheerayd ee dunida tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida, gaar ahaan kolkii u aad u socday Dagaalkii Qobowbaa -The Cold War, sanaddadii lixdanaadkii.
Moahmed Abshir Walde Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa aabihii kor u qaaday idaacadda Codka Soomaaliya sanadiihii xoriyadda ka dib. Waxuu horseed u ahaa hagaajinta iyo korinta tayada Raadiyahasha Soomaaliyada cusub codkooda ku hadla ee Radio Mogdisho iyo Radio Hargaysa.
Kolka laga soo tago Dejinta iyo Maaraynta barnaamiyada kala duwan ee ka baxayey idaacadaha Soomaaliyeed ee Mr. Walde isku duba riday, waxaa uu horseedsay inla shaqaaleeyo dhalinyaro cusub oo firfircoon oo kaalin mug leh ka ciyaaray idaacadadaha Somaliyeed iyo xitaa laanta Af Somaliga ee BBC.
Waxaa ka mid ahaa shaqaalihii ugu tayada wanaagsanaa ee Mr. Walde kusoo kordhiyey warfaafinta Soomaalida sanadkii 1966 dii, gaar ahaan tabinta wararka/barnaamiyada, 1. Yasin Hagi Ismail Jirde 2. Ahmed Ali Askar 3. Abdullahi Sheego 4. Mohamed Ali Shiriye iyo qaar kale oo loo qaatay farsamayaaqo iyo maaraynta guud ee warbaahinta Qarankii cusbaa. Tababaro dibadaha ahna, siiba Jarmalkii Galbeed waa loo qaaday.
Sidoo kale Mahamed Abshir Walde wuxuu sii waday ku soo darid dhiig cusub oo ka qayb qaata tayaynta iyo balaarinta warbaahinta Soomaaliyeed oo u arkaayey in ay tahay halka kaliya ee dadka Somaliyeed oo u badnaa xiligaas reer guuraa, laga wacyi gelin karo lagana ilaalin karo sharaftooda, isla markaana lagu xakamayn karo Dawaladihii tabarta yaraa ee Rayidka ahaa ee Soomaaliya maamulayey 1960-1969.
Waxaa ka mid ahaa raacii labaad ee kusoo biira warbaahinta, gaar ahaan Radiyaha Codka Soomaaliya, Siyaasi Ahmed Ismail Samatar iyo Wariye Saciid Cadaani oo wax wayn kusoo kordhiyey idaacadaha Soomaalida iyo laanta Afka Somalida ee BBC. Sidoo kooxo badan oo fanka ku jiray ay la qarameeyey oo loo yeelay qaab habaysan.
Kolkii Ciidamada Somaliya taladeedii la wareegeen 1969, Mohamed Abshir Walde waxaa ku adkaatay in uu sii Wado shaqadiisii waanu iska casilay shaqadii, deetana waxuu bilaabay ganacsi isagoo aakhirkii magangelyo u degay Dalka Jabouti, halkaas oo aakhiritaankii isaga iyo rag badan oo warfaafinta ay saaxiibo ku ahaayeen oo ku noolaa dalka iyo dibada ay talo ku qaateen asaasida Radio ka madax banaan Kacaanka Somaliya.
Bishii Febraayo 8, 1979, Mohamed Abshir Waldo iyo asxaabtiisii warfaafinta ee Radio Moqdisho, Radio Hargeisa iyo BBC laanteeda Af- Somalida waxay qayb ka qaateen soo bixitaankii RADIO KULMIS, codkii Xisbigii Mucaaradka ee Ururka Badbaadada Soomaaliya, the Somali Salvation Front –SSF ama SOSAF.
Waxaa Madax Xisbiga looga dhigay Wariye Mustafe Haji Nur oo Soomaaliya iyo BBC caan ku ahaa, Radio Kulmis na Salebaan Dahir Afqarshe oo isna ahaa wariye caan ku ah Somaliya iyo BBC daba. Waxaa walde ahaa maskaxdii Radio Kulmis ka dambaysay oo rag wariyaal caan ah iyo gabdhoba ay ku biiraan sida 1. Abdullahi Hagi Cilmi, 2. Gacayte Abdulle Codweyn, 3. Abdulqadir Farah Botaan, 4. Bashir Botan cilmi Guray 5. Hodan Jama Amunsane, 6. Abdirashid Aden Sed -Qoor.
Kolkii SSF, ay la midoowday laba xisbi oo kala ahaa SDLF iyo SPWP Sanadkii 1981, oo ururkii lagu balaariyey Jabhad SSDF, waxaa Mohamed Walde iyo asxaabtiisii sii wadeen tayeynta iyo helitaanka rag iyo gabdho Somaliyeed oo ka qayb qaataa baahinta wararka xaqiiqda iyo ka run sheegidda geyiga Somaliya oo daruuf halisa soo foodsaartay una muuqatay in Somaliya ay kala daadan rabto.
Wariyaashaas cusub waxaa ka mid ahaa Mahdi Ahmed Warsame – mahdi dheere, Mohahed Ali Hassan Alto, Mohamud Egal Caymo Irad, Suweys Yasin Sh Osmaniyo Mohamed Ali Dhere. Kolkii 1982, SSDF iyo SNM ay ku midoobeen Radio Kulmis oo loo bixiyey mar kaleeto Radio Halgan, waxaa Mohamed Abshir Walde ka qayb qaatay qaabaynta Radiyaha Cusub iyo sidii isula jaanqaadi lahaaayeen shaqale kasoo kala jeeda labo urur oo mucaarad ku ah Dawladda Miliariga ah ee Moqdisho ka dhisan, hase yeeshee iyaguna kale ujeeda ah.
Waxaa ku soo biiraaray Radio Halgan oo ku hadlayaa hadda Codka Mucaaradka Soomaali oo dhan wariyaal kale sida Mijir Qaadi Mohamud, Mohamed Ismail, Diktoor,Rashid Sh. Abdullahi Rashid Garweyne, Mohamed Bashe Haji Hassan, Ali Mijir Qaadi, Abdi Farah Juha, iyo Qaar kaleeto.
Oct 1985, Kolkii Khilaf dhex maray Ethiopia iyo SSDF, lagu xiray Hogamiyiihii SSDF, Abdullahi Yusuf, ayaa urukii SSDF si ku meel gaar ah ay 4 Bilood u doorteenMohamed Abshir Walde oo isaguna xilkii ku wareejiyey Dr. Hassan Ali Mire oo si rasimi ah Jan. 1986 loo doortay in mudo 2 sano ah uu hogaamiyo SSDF.
Kolkii Dawladii Militariga ahayd ay Muddo 21 Sano ka dib ay burburtay, Somaliyana ay gashay qalalaase iyo degaanasho la’aan, Mohamed Abshir Waldo iyo saaxiibadiisii kaleeto oo gudaha Somaliya iyo dibadeeda ku noolaa ay ka shaqeeyeen sidii Somali loogu heli lahaa hab ay ku hanato sharafteedii iyo Dawladnimadeedii. Waxaa Mohamed Abshir waldo xoog saaray dhulkii ay SSDF ka talinayeesay ee Waqooyi-bari Somaliya. Ugu dambayntiina, waxaa Mr. Walde iyo asxaabttisii ku guulaysteen soo bixitaankii PUNTLAND ee 1 August 1998. Taas oo iyana salbaraan u noqotay soo bixitaankii iyo dhalasha Dawlad Wadaaga oo Hanaanka Federaal ah, Somaliyana ka ambaqaada.
Ceegaag.com
Figradihiina