Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
ARAKALAAHU LAKA WA BAARAKA CALAYKA WA JAMACA BAYNAKUMAA FII KHAYR
Waxaa shalay oo ay bishu ahayd 14-Shawaal-1438 kuna beegan July 8, 2017, meherkooda ka dhacay magaalada Boston ee carriga Mareykanka: Khaalid Cabdullaahi Cali iyo Aamina Faysal Cabdillaahi.
Haddaba waxaannu Ilaahay uga baryayaan inay noqdaan reerkii lagu nasto ee lagu nagaado, ubad khayr qabana kala hela oo diintooda, dadkooda, iyo dalkooda anfaca. Waxaanan ugu ducaynaynaa ducadii Rasuulka SCW ee ahayd BAARAKALAAHU LAKA WABAARAKA CALAYKA WAJAMACA BAYNAKUMAA FILKHAYR.
Dhamaan Reer Abdillahi Cali iyo Reer Abdillahi Warfaa ayaa mahad balaadhan u jeedinaya dhamaan Jaalliyada Soomaaliyeed ee Reer Boston iyo marti sharaftii ka kala timid gobolada mareykanka iyo dalka Kanada ee ka soo qayb galay xafladda meherka Khaalid Abdullahi Ali iyo Aamina Faisal Abdillahi Warfa
WAXAANNU QOYSKAN CUSUB ILAAHAY UGA RAJAYNANYNAA INAY NOQDAAN KUWII ISKU REEYA ISKUNA RAAGA UBAD KHAYR QABANA KALA HELA…………AAMIIN……AAMIIN ……AAMIIN
Sidoo kale Aqoonyahan/Gabyaa Idiris Maxamed Xaaji Cali oo masafo ku maamuusay meherka walaashiis Aamina ayaa ku bilaabay sidan:
Ku bilaabay Eebbow, magacaaga arartee
Mahad aan ebyoomayn, aday kuu ahaatee
Naxariis Udgoonaha, al-Amiin Allow sii
Urur-weynahaanow, salaan aad ah iga hoo!
Waxa lagu Islaam yahay, ashahaado qiriddee
Salaaddoo la oogiyo, sakadoon la iibinin
Afka xirasho sooniyo, uun loo samaadee
Qof Ilaah wax siiyoo, awoodoo Xajaayee!
Wax Iimaanku uu yahay, Ilaaheen rumayntiis
Iyo malag arwaaxliyo, kutub oogadaa jira
Iyo gebi ambiyadiyo, ayaantii Qiyaameed
Iyo amar Ilaahay, inaynaanan oollinin!
In Ilaah la caabudo, sidii aad arkaysoo
La og yahay haddii kale, in Ilaah na eegtoo
Aan nahay addoommada, uu ikraamay walibana
Oo Ixsaanku saas yahay, waad wada aqootaan!
Saddexdaasi udubbood, diintay asaasaan
Ergeygii(SCW) Ilaahay, siduu noo ishaarana
Inan iyo haddii inan, arooskoodu uu dhaco
Hadda diinta idilkeed, qayb bay asiibeen!
Meherkaan ilwaadkiyo, ku idiiman sharaftee
Asxaabtiyo qaraabada, xidideeyey ehelkee
Aayada Quraaniyo, lagu binay axaadiis
Dadku waa ammaanoo, waw wada istaagee!
Qaafada Isjecel ee, xafladdani agaasimay
Ilays weeye qorraxeed, ifinaaya dunidee
Akhyaartii ducaysiyo, “aamiin” intii tidhi
Way istaahilaanee, giddigood Allow kaal
Allow qoyskan barakee, burjigooda u adkee
Iblays iyo dhashiisana, ka ilaali Eebbow
Aqalkooda nuur iyo, ku abee Islaamnimo
Hoy lagu hirtoo abid, gacal urursha kana yeel!
Allihii Adduunkiyo, Aakhiro sameeyaa
Isu doonay Aamina, iyo Khaalid Aar oo
Waa labo ayaan badan, waana ehelukhayroo
Waalidkooda agabbaray, baa dhaqan ku ababshee!
Ixtiraam kalgacaleed, iyo samir itaalsada
Ubax nii adeegiyo, ubad khayr leh isu dhala
Isu aaya weligiin, intaad aradka joogtaan
Aakhirana Firdows iyo, Nebigii(SCW) agtiis de
You must be logged in to post a comment.
Pingback: Masafo: | Heeshi