Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo kusoo qabtay 5 qof oo lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo la xiriira xaalufinka deegaanka.
Xariga shanta qof waxaa saxafada u xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubba u qaabilsan magaalada Kismaayo Ibraahim Yuusuf (Timo-jilic).
Timo-jilic ayaa tilmaamay in dadkaas la soo qabtay ay hadda ku jiraan saldhigga magaalada Kismaayo, isla markaana caddaaladda la hor keeni doono.
Guddoomiyaha ayaa xusay in ay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo xaalufinta deegaanka.
Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa jarista dhirta horay uga mamnuucay deegaannada uu ka arrimiyo.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina