Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Garowe, Safarka madaxweynaha waxaa ku weheliyey qaar kamid ah golaha wasiirada iyo xildhibaano, Madaxweynaha ayaa diyaarad gaar ah ka soo qaatey Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa booqdey Puntland markii u horeysey 8 bilood kadib maalintii uu xilka la wareegay.
Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa magaalada si weyn looga dareemayaa, waxaana la askeeyey amaanka. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa garoonka ku soo dhaweyey Madaxweynaha, Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatey cutub ka mid ah ciidamada Puntland.
Xassan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha amhuuriyadda Soomaaliya, ayaan horey u soo kaxaysan ciidamada AMISOM ee ilaaliya kuwaas oo madaxda kale aysan ka tegi jirin, waxaana amaankiisa sugayey ilaaladiisa gaarka ah iyo ciidamada Puntland.
Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Puntland ayaa jidadka isugu soo baxay waxayna ruxayeen calanka Soomaaliya iyo kan Puntland, iyaga oo sitey sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud. Wefdiga Madaxweynaha ayaa loo galbiyey aqalka cusub ee Madaxtooyada Puntland. halkaas oo ay saxaafadda kula hadleen.
Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay in ay farxad u tahay in ay Garowe ku soo dhaweeyaan wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya.
“Magaaladan waa magaaladiini waa dalkiini, dadkiini, minankunu waa minankiini ha is qalaynina” ayuu yiri Faroole.
Madaxweynaha Puntland oo duurxulaya ayaa ka sheekeeyey dowladihii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya soo marey ee u horeysey tii Cabdiqaasim iyo caqabadihii qabsadey, Hal dariiq ayaa Soomaaliya la isugu soo celin karaa laguna heshiin karaa waana kan federaalka ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in mowduucyo adag ay u diyaarsan yihiin oo ay kala hadlayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Sidii ay talo uga geysan lahaayeen Dowladda, iyo wixii ku kala maqan labada dhinac fartana loogu fiiqi lahaa, waxaan nahay hooyadii Federaalka 15 sano ayaan jirnaa, idinkana waa la idinku doortey, hadalka madaxweyne Faroole ayaa u badnaa Arrimaha federaalka, iyo la xisaabtan ay wataan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo lagu soo dhaweeyey Mikrofoonka ayaa u mahad celiyey Madaxweynaha Puntland iyo shacabka Puntland, Magaalada Garowe ayuu ku tilmaamey magaalo caan ku ah hormarinta siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu ka cdurdaartey daahitaanka iyo muddadii 8 bilood ahayd ee aanu soo booqan Puntland, waxaana uu sheegey i danaha Soomaaliyeed uu ku mashquulsanaa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in waxbadan qabsoomoon wax badana qabyo yihiin, Waxaana uu hoosta ka xariiqey in umadda Soomaaliyeed ogaato in ay kala cadyihiin wixii lagu heshiiyey in aan la gacmo gacmeyn, laakiin waxa dhiman laga shaqeeyo sidii loo dhamayn lahaa.
Arrimaha Federaalka
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlaayey arrimaha federaalka ayaa sheegay in aan sinaba la isugu khilaafsaneyn in dalku federaal noqdo, is faham ayuu ahaa, Dastuurkana waa lagu qoray, halka dhibtu ka taagan tahay oo u baahan in la saxo ayaa ah dalka sidee federaal looga dhigayaa, waana arrimaha u baahan in lagu dhiirado oo laga doodo, su’aal taagan maaha dalku federaal ma noqonayaa mise ma noqonaya, dadka ka caajisa jawaabta ah sidee fedraal looga dhigayaa ayaa dib ugu noqda meelo kale.
Midnimada dalka
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ka hadley Midnimadda dalka, miyaan kala go’anaa mise dib ayaan dalka u mideynaa, dhibaatooyin badan ayaa dhacay dad baa wax tabanaya, xusuus murugo leh ayaa dadka qaarkiis dareemayaa, waxaa muhim ah in boogahaas la dhayo oo dalka dib la isugu soo cesho oo Soomaaliya oo mid ah aan yeelano, ma aha su’aashu ma midownaa mise waan kala tagnaa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diidey in dib loo qaado waddooyin kii hore loogu halaagsamey, waddo cusub oo qoxodhonoleh ayaan qaadaynaa, Dowladda federaalka Soomaaliyana rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayey ku taagan tahay
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in hawlaha u waaweyn ee u yaala ay yihiin sidii ay dalka Federaal u gaarsiin lahaayeen, kaas oo aan ahayn hala yaaco iyo nidaam darro, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsadey in ay sabur yeeshaan.
Wada hadalka Madaxweynehe Soomaaliya la yeelan doono Madaxda Puntland waxaa ugu weynaan doona shirka London lagu qabanaayo, kaas oo Puntland ay xiiseyneyso in ay door ku yeelato, Fulinta heshiisyadii horey Dowladdu ula gashey Puntland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wefdigiisa ayaa caawa ku sugnaan doona magaalada Garowe, waxaana ay shirar la qaadan doonaan Madaxda Puntland.
Ceegaag.com
Figradihiina