Ciidamada Booliska Laascaanood oo Xalay hotel Nugaal kala Baxay Xariir Maxamuud Axmed Badhasaabkii hore ee Dhinaca Somaliland ee Buuhoodle
Wararka naga soo gaadhay Magaalada Laascaanood ayaa ku soo Waramaya in Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood ay Xabsiga u taxaabeen Xariir Maxamuud Axmed oo ahaan jiray Badhasaabkii Dhinaca Somaliland ee Buuhoodle oo isagu dhawaanta Xilkaasi iska Casilay.
Lama oga Sababaha keenay in Badhasaabkii hore ee Somaliland ee Dhinaca Buuhoodle ay Ciidamada Maamulka Somaliland ay Xabsiga Magaalada Laascaanood u Taxaabaan Waxase soo Baxay Warar sheegay in Xarigiisa uu ka danbeeyey Taliyaha Qaybta Booliska Laascaanood oo isagu Ciidamo Boolis ah u soo diray Gudoomiyahaasi hore oo Xiligaasi ku sugnaan hotel Nugaal ee magaalada laascaanood.
Ma jiraan Wax War ah oo ka soo Baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan Xariga Masuulkoodii hore ee haatan ku Xidhan Xabsiga Magaalada Laascanood, Waxanu Xiiro kala duwan la samaynay Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ee Dhinaca Sool oo aan noo suurta galin.
Ceegaag.com
Laascaanood
Figradihiina