Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka wasarada caafimadka Iyo Fayadhawrka Ee maamulka juba-land Oo ay Qayb ka ahayeen Gudoomiyaha Degmada doolow Ee gobolka Gedo iyo xildhibaano hore oo ka soo Ambabaxay magaalada Doolow ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay xubno uu Hogaaminayay Madaxwyne ku xigeenka maamulka Juba-land Cabdulahi sheekh ismaacil fartaag Iyo Qayb kamid ah golaha baarlamanka.
Ugu horyan waxaa goobta ka hadlay wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Warsame Faarax Darwiish waxana uu sheegay in ay si Aad ah usoo dhawaynayaan xubnahan Gedo ka yimid Isla markana ay Yimaaden magaaladodii iyo Goobihii laga soo Askumay maamulka juba-land.
Cabdulahi sheikh ismaacil fartaag oo isna madaxasha ka hadlay ayaa sheegay in juba-land ay marayso marxalad gaba gabo ah dhamastirkeda xubnahana ay Qayb kamid ah yihiin labada gole Ee dawlada.
Wasiirka wasarada caafimadka iyo fayadhawrka Xasan Daahir Yarow ayaa dhankiisa sheegay in ay wax badan uga soo Qabsoomen hawlahii shaqo Ee ay u tageen gobolka gedo.
Cabdi rashiid janan oo ah guoomiyaha Degmada Dooloew ayaa isna sheegay in Mooqifka dadka reer gado uu cad yahay isla markana maamulka juba-land dhamaystirkiisa laga wada Qayb Qadan doono.
Si walbaba xaalku aha ahaade waxaa lagu wadaa in dhawaan wasiir ku xigeenka Wasarada Arimaha Gudaha loo magacabo Cabdi rashiid janan oo hada ah Gudoomiyaha Degmada Doolo.
DAAWO SAWIRADA:
Ceegaag Online
Kismayo-Somalia
Figradihiina