Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maalintii labaad waxaa hawada ka maqan Idaacada Horeed oo aheyd idaacad ka howlgasha magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.
Maalin nimadii shalay ayaa waxaa idaacada Horseed loo keenay warqad ka socotay wasaarada warfaafinta Puntland taasi oo loogu sheegayay maamulka idaacadaasi in ay albaabada u laabaan sida uu noo sheegay agaasimaha idaacadaasi C/qani Dhagjar.
Waxa uu Agasimuhu sidoo kale sheegay in aanu garan Karin sababaha idaacada loo xiray, inkastoo wasiira warfaafinta Puntland oo Warbaahinta la hadlay uu sheegay in idaacadaasi loo heysto shuruuc ay dejisay wasaaradu oo ay geesmartay ama ka madax adeegtay.
“Waxa na loo keenay warqad ay ku saxiixantahay wasarada warfaafinta Puntland taasi oo nalagu sheegayo in aan idaacada Albaada u laabno, iyadoo ku qoneyd in idaacada loo heysto warar lidi ku ah Puntland.
Maamulka Puntland ayaana Caadaystay inuu Cabudhiyo Warbaahinta Xorta ah ee ka Howl gashay Deegaanada Puntland ee Bulshada u soo Bandhiga Xaqiida ka jirta deegaankaasi Waxana haatan Mandaqada Puntland ka jirta loolan adag oo dhinaca Siyaasada ah oo looga soo Horjeeday Madaxwayne faroole oo Wakhtigiisii uu Dhamaaday iminka Wada Qorshe uu ku Doonayo inuu Mudo sanad ah ku kororsado, oo siyaasiyiinta iyo Bulshada deegaankaasi ku nooli aad uga soo Horjeedaan.
Figradihiina