Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Munaasibad ka dhacday xarunta madaxtooyada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubba, odoyaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo waxgarad kale, ayaa lagu dhaariyay Madaxweeyne ku xigeenka 2-aad iyo golihii wasiirada maamulka Jubba iyadoo sidoo kale lagu dhawaaqay laba wasiir oo ka dhinayd golaha wasiirada.
Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ugu horeyn sheegay in xafladani ay isugu jirto laba ujeedo oo kala ah dhaarinta wasiirada maamulka iyo weliba ku dhawaaqidda laba wasiir oo ka dhinayad golaha wasiirada.
Labada wasiir ee cusub ee manta lagu dhawaaqay aya kala ah Ibraahim Xasan Cabdi oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, iyo Mudane Max’ed Cabdi Mohamed (Jowhar) oo isna loo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arimaha diinta.
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa intaa kadib mid mid ugu yeeray xubnaha golaha wasiirada, kuwaasoo dhamaantood loo dhaariyay xilalka loo magacaabay.
Madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere oo kamid ahaa xubnihii la dhaariyay ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka in ay la shaqeeyaan maamulka, isagoo xusay in aysan iyagu waxba qaban Karin hadii ayan helin taageerada shacabka.
Dhaarinta golaha wasiirada ee maamulka Jubba ayaa kusoo beegmeysa iyadoo la filayo in 20-ka bishan ay gudaha magaalada Kismaayo ka dhacdo xafladda caleemo saarka madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).
DAAWO SAWIRADA:
Ceegaag Online
Kismayo-Somalia
Figradihiina