Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi ballaaran oo uu horkacayo ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Max’ed Geedi, xubno ka socday baarlamanka Kenya, ganacsato iyo siyaasiyiin kale oo ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa manta ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in xubnahani ay ka qeybgalaan xafladda caleema saarka madaxweeynaha maamulka Jubba ee dhici doonta maalinta berito ah.
Wafdigan ayaa markii uu soo gaaray Kismaayo waxa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubba oo uu kamid ahaa Madaxweeyne kuxigeenka kowaad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiiro ka tirsan maamulka Jubba.
Intii uu san wafdiga soo gaarin magaalada ayaa waxaa siweyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo iyadoona gabi ahaanba la xiray ganacsigii iyo isu socodkii dadka, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba oo amniga sugaya.
Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ugu horeyn ka hadlay wafdiga manta sooo gaaray magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Ra’isul wasaarhii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Max’ed Geedi ayaa isna ka hadlay imaatinkiisa magaalada Kismaayo.
Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalinta berito la filayo in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo munaasibadda caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), taasoo la filayo in ay kazoo qeybgalaan madax ka socoto dowladda Soomaaliya iyo Puntland, ururka goboleedka IGAD, iyo siyaasyiin ka iman doonta qaar kamid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya.
DAAWO SAWIRADA:
Ceegaag Online
Kismayo-Somalia
Figradihiina