Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasibadda Caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada Kismaayo, iyadoo ay kasoo qeybgaleen wufuud kala duwan(DAAWO Cajalada+Sawirada)

Munaasibadda caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada kIsmaayo, iyadoo ay kasoo qeybgaleen wufuud kala duwan oo beesha caalamka, xubno matalayay dowladaha Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti,  ergo ka socotay qaar kamid ah wadamada deriska iyo weliba xubno matalayay ururka Midowga Yurub.

Saaka aroortii ayaa waxa garoonka Kismaayo kasoo dagtay diyaarad siday wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweeyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Cameey), waxaana halkaasi si diran ugu soo dhaweeyay madax sare oo ka tirsan maamulka Jubba oo uu kamid ahaa madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaacil Fartaag.

Daqiiqdo kadib ayaa hadana waxa soo dagtay diyaarad kale oo siday wufuud kala duwan oo beesha caalamka ah oo ay hogaaminayeen wakiilka xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Key iyo wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Max’ed Al-nadiif.

Wafdigan ayaa loo qaaday xarunta madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo ay ka dhaceeysay xafladdii caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Intaasi kadib ayaa wafdigan ka socday Qaramada MIdooobay urur goboleedka IGAD, qaar kamid ah safiiro ka socday dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo weliba xubno ka socday dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay yimaadeen xarunta madaxtooyada, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Imaatinka wufuuddan kala duwan kadib ayaa waxa bilaabay xafladdii caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay madaxdi kala duwanayd ee kasoo qeybgashay.

Uru horeyn ayaa waxa goobta ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wuxuuna u mahadceliyay wufuudda kala duwan ee kasoo qeybgashay xafladda caleemosaarka madaxweeynaha maamulka Jubba.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamanka Soomaaliya Jeeylaani Nuur Iikar.

Sidoo kale goobta ayaa waxaa ka hadlay ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Max’ed geedi kaasoo u hambalyeeyay hogaanka cusub ee maamulka Jubba, isagoo sheegay in maamulkan uu tusaale u noqon doono maamullada kala ee laga dhisi doono dalka.

Madaxweeyne kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Cameey) ayaa kamid ahaa xubnihii madasha ka hadlay.

Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhibaato badan ay kala kulmeen isagoo waxqabad la’aan ku dhaliilay beesha Caalamka.

Gabagabadii , xafladan ayaa ahay d mid aad loo soo agaasimay idoo ay gashay taarikhda maamulka jubba lagu soo xasuusandoono.

Ceegaag Online

Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply