Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Axmed Madowbe oo shir Jar’id ku qabtay Garoonka Magalada Kismayo ka Hor inta uu san u Ambabixin Garowe(DAAWO SAWIRADA)

Wafdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweeynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa manta u ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweeynaha oo ay safarkiisa ku wehlinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, odoyaal, haween, iyo siyaasiyiin kale ayaa intii uusan bixin kahor waxa uu shir jara’id ku qabtay gudaha garoonka, iyadoona shirkiisa uu uga hadlay arimo kala duwan.

Masuulkan ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha dhanka ammaanka, isagoo sheegay in ammaanku yahay waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in ahmiyadda koobaad la siiyo, wuxuuna kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta maamulka Jubba in ay ka shaqeeyaan amniga.

“Waxaa xaqiiqo ah waxaa jiro cadow, dadkoo dhan u dhexeeya oo aan ninna deyneyn, ilmaha yar, qofka waayeelka ah, qofka aqoonyahanka ah, hooyada midna aan dhaafeyn oo dhibaatadiisu joogto tahay, waxaan guud ahaan Soomaalida kula dardaarmayaa iyo beesha caalamkaba in cadawgaas oo aan moodo inuu waqtigiisu sii dhamaanayo lays raaciyo,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Intaa kadib ayaa madaxweeynaha iyo wafdigiisa waxa ay u duuleen dhanka magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntlan, halkaasoo la filayo in maalinta berito ah ay ka dhacdo xafladda caleemosaarka madaxweeynaha maamulkaasi.

DAAWO SAWIRADA:

 

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply