Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Masuuliyiinta ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu horkacayay madaxweeyne
kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil
Fartaag islamarkaana ay kamid ahaayeen wasiiro ka tirsan maamulka ayaa
booqday garoonka Madhamaato ee duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo
halkaasoo uu tababar uga socdo cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka
jubba.
Ciidamada uu tababar u socdo oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 8000 oo
askari ayaa waxa uu tababarkan u socday mudo todobaadyo ah, waxaana la
filayaa in dhawaan loo soo xiro.
Ciidamadan ayaa waxa tababarka siinayay macalimiin isugu jirto
Soomaaliya iyo Kenyan, waxaana ciidamadani ay qeyb ka yihiin ciidamo
dhawaan laga soo ururiyay gudaha magaalada.
Askarta ayaa goobta kusoo bandhigay dhoolatus Militari oo ay ku
muujinayeen tababarka ay qaateen iyo heerka aqoontooda ciidanimo ay
gaarsiisantahay.
Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba ;iyo xubno ka tirsan golaha
wasiirada oo goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidamada uu
tababarka u socdo iyagoona ku booriyay in ay ka qeybqaataan xoreynta
deegaanada ay shabaabku ka arimiyaan ee Jubooyinka.
ceegaag.com
Figradihiina