Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qaar kamid ah siyaasiyiintii ka soo horjeeday maamulka jubba islamarkaana mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Siyaasiyiinta maanta Kismaayo soo gaartay waxaa kamid ah Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen, oo kamid ahaa dhinacyadii magaalada Kismaayo kula dagaalamay maamulka Jubba Sheegtayna in ay ahayeen madaxweynayaal.
Wafdigan ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeyne kuxigeenka kowaad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, waxgarad iyo siyaasiyiin kale.
Intaa kadib ayay shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabteen hoolka nasashada garoonka Kismaayo Madaxweeynaha maamulka Jubba iyo xubnihii wehlinayayay, waxaana ugu horeeyay goobta ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. Fartaag, kaasoo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada Kismaayo.
Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay ka soo qeybgaleen aaskii A Ra’isul wasaarihii hore ee dalka C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuuna xusay in safarkoodii uu ahaa mid ah waxyaalo badan kasoo faa’iideen.
Masuulkan ayaa xusay in ay hore usoo raaceen siyaasiyiinta kala ah Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen oo uu sheegay in ay hore u wada gaareen heshiis balse ay maanta suurogashay in ay dib ugu soo celiyaan Magalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba.
Intaa kadib ayaa waxa isna goobta ka hadlay Cabdi Baaleey Xuseen, kaasoo sheegay in magaalada Kismaayo ay u yimaadeen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadda iyo dhismaha maamulka Jubba, wuxuuna kula dardaarmay siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii ay xallin lahaayeen waxyaalaha dhexdooda ah.
Xubnahan maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii magaalada Muqdisho heshiiska kula sixiixday maamulka Jubba.
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina