Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixinta qaybtii 1aad ee Xaflad loogu mahad celinayay Madaxda maamulkii hore laguna soo dhaweenayay madaxda maamulka cusub ee Puntland oo lagu qabtay magaalada Boston ee wadankan Maraykanka.

Xafladan oo ay soo agaasimeen Jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Boston ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Boston. Xafladan oo horay loo qaban lahaa wigii hore ayaa dib u dhacday kadib markii geeri lama filaan ahi ku timid mid ka mida Ruugcadaayada Siyaasada Soomaalida Marxuum Cabdicasiis Nuur Xirsi oo ka mid ahaa Tiirarka ay ku taagnayd Jaaliyada Soomaalida reer Boston.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa dhamaantood Tacsi u diray qoysaska reer Cabdicasiis Nuur Xirsi iyo reer Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (Libaaxii Soomaaliya ) oo labaduba ku geeryooday Maraykanka Wiigii tagay.
Xaflada waxaa daadihinayay Cabdi Cawaafe

Waxaa sida caadada u ah Soomaalida  aayadaha quraanka xaflada ku furay Samatar  Cabdulqaadir

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa Xaflada Furay Cabdulaahi Gurxan oo u mahad celiyay gudigii soo qabanqaabiyay xaflada sidoo kalena ka waramay sidii raga iyo dumarku usoo kala qaban qaabiyeen xaflada isaga oo daaha ka rogay in ujeedada xafladu tahay umahad celinata maamulkii Cabdiraxmaan Faroole isaga oo sheegay inuu soo dhaweenayo maamulka Dr. Cabdiwali Gaas.

Madey ayaa goobta ka sheegay fariin uu ka waday Maryan Muuse Boqor oo ay u suuroobi wayday inay xaflada timaada Xalay. Fariintaa ayaa hayd Soo dhaween Maamulka u cusub iyo umahad celin maamulkii hore ee Puntland.
Waxaa isna goobta ka hadlay Cabdiraxmaan Caydiid oo isagu ah lataliye Duqa-magaalada xaafada ay xafladu ka dhacasay ee Randolph  laga soo doorto ahna ninkii ugu horeeyay ee islaam ah ee jago siyaasadeed ka qabta magaaladaa.

Waxaa Taariikhda Puntland iyo marxaladihii ay soo martay ka sheekeeyay RITOOS hadaladiisii waxaa ka mid ahaa in ‘dhulka Puntland ay tahay Buuralay, xoolalay, Beeralay iyo Xeebalay. Ritoos waxa uu sheegay inay Puntland dhiseen Siyaasiyiintii ku bahoobay urukii SSDF.

Ritoos waxa uu sheegay in Puntland sifeheedu yahay in dhul mar qofka lago xadgidbo balse aan mar labaad lagu xad gudbi Karin. Sidoo kalena Puntland ay dhula ahaan iyo bulsho ahaanba ay dhantahay 25% Soomaaliya. Hadana ay ogolaatay in ay Soomaali wax kula qaybsato waxa loogu yeedho 4.5.

Shamhaad Xalwo ayaa iyadu u mahad celisay Hogaanka Isimada, Ciidamada Qalabka Sida iyo maamulkii hore Cabdiraxmaan Faroole.  Sidoo kale waxay u mahad celisay Musharixiintii oo ay ku tilmaatay inay lahaayeen Bisayl Siyaasdeed. Sidoo kale waxay u mahad celisay Shacabka Caasimada Garoowe gaar ahaan guud ahaana shacabka Puntland. Shamhaad waxaa kale oo ay u mahad celisay Maamul Goboladeedadii kasoo qaybgalay caleemasaarkii Puntland, sidoo kalena waxay umahad celisay RW Geedi oo ay sheegtay inuu yahay Siyaasi Soomaaliyeed. ugu danbayn waxay dardaaran u dirtay maamulka Cusub ee uu madaxa u yahay Dr. Cabdi wali Gaas.

Shamhaad ayaa ugu danbayn uduceesay wadankeenii Hooyo ee Soomaaliya guud ahaan iyada oo sii raacisay in wali haweenka Soomaaliyeed ku dulman yihiin Siyaasada Soomaalya…..

Waxaa kadib loo yeedhay NAGEEYE oo isna ku tilmaamay doorashooyinkii cadaalada ku dhacay inay sabab u ahaayeen Isimada Puntland , sidoo kalena sheegay inay Puntland Xadaardeedu ay keentay isaga oo Soomaalida inteeda kale ku dardaarmay inay xadaarada Puntland uga daydaan.

Puntlandna ku tilmaamay Dayax u soo baxay Soomaalida kana saaraya Gudcirkii ay gashay ka dib burburkii Dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa goobta lagu soo dhaweeyay Maxamed Axmed Jaamac  (Shaale). isaga oo yara taabtay laba arimood oo kala ahaa in markii horeba Puntland ay hormood u ahayd qaranimadii aynu Soomaali ahaan Burburinay. Isaga oo sheegay in SYL ay Affar nin ka bilaabeen Jigjiga kadibna ay Puntland u yimaadeen ay Soomaalidu xoolohoodii u xaraasheen dumarkuna dahabkoodii u iibiyeen.

Dhinacakale waxa uu xusay Dhalintii Jubooyinka ee Isdabaroor. waxa kale oo uu xusay halgankii dumarka Soomaaliyeed ee ay ka mid ahaayeen, Xaliimo Godane,Xaawo Gurac oo xabsiga ku dhashay Gabdhii loogu magac daray bishaa ee August.

Shaale ayaa sheegay in haatan Puntland ku dhaqaaqtay wadadii hore ee lagu yaqiinay mideenta umada Soomaaliyeed iyada oo haatan Puntland lagusoo daray 3 beelood oo aan horay ugu jirin lana filayo in maamulka loo baahiyo Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ilaa la gaadhsiiyo Xamar iyo laguna soo xidho Jubaland.

 

 

Luul Gaalooti ayaa iyadu waxay goobta kasoo jeedisay Buraanbur ay u tirisay  Puntland

Waxaa midhihii Buraan burkaa ka mid ahaa

Burjiga Puntland Lasiiyay ee aan baryada ahayn

Ee ilaahay Bixiyay oo aadmi boobi Karin

War —————— Aroortii lasoo bandhigay

Oo boqoradii iyo salaadiintii Soobaxeen

Waxaanu u bogaadinaynaa tolkaa isku baxay

Oo bareeraha jeedshay goortuu dalkii burburay

Allaa iyo baarik bisinkaa laguu hayaa

Buraanburkan oo aad u dheeraa waxaan iddinku soo qatimanaa laba tuduc oo ay  Luul Gaalooti kula hadlasay Labada Masuul ee ugu sareeya maamulka Puntland.

Cabdixakiin Camay

Cabdixakiin Hadal yarbaan hoos u oronayaa

Aqal Hanaan wacan hadaan hooyadii ku jirin

Oo hadaan habaaska iyo dhaska iyo hiitka laga tirayn

Dhashii kusoo hiran lahayd waa ka hiranayaan

Hadaan sharcigii hufnayn oo hagaag sanayn

Cadaaladu hagar bixinoo Hooyo madi ah noqon

Hawlwadeemadu hadayna Awrhayin ah ahaan

Horikicii wadanku nimankuu hortooda yaal

Hadaan loosoo hiloobeen halkaad jirtaan

Waryeydaan waryeeydeen haldadaadi ka ilaman halkaad jirtaan

 

Cabdiwali Gaas

Halyeey Cabdiwaliyoow hadalbaan ku oronayaa

Waar Harimacad Shabeel Haatuf iyo Dhurwaa

Libaaxa hiinraaga Jeertaa Haraha Fadhida

Habardugaag iyo intay meel kuwada Hoydaan

Maska oo heehaaba Good aan Harsiga aqoon

Marsoobuxu waxuu uu haleelay naftay is huraan

Ayaa ku heeraan wadankeena hadhaca wayn.

Habaar qabe iyo Iblays way iska hadhahayaan

Waryaa waryaa yayna hadladaadi ka iman halka aad jirtaan

Iyada oo Luul ku soo afmeertay hadaynaan ragan waryaa odhanin oo gagida hoos u ragono ogaada halkan ayaynu ku duqoobanaaaaa.

 

Suldaan Cabdirisaaq Cali Baale ayaa isagu ka hadlay amaan uu amaanayay Dr. Faroole iyo Isimada Puntland. Soomaalidana kula dardaarmay in aan la dagdagin ee shaqsiga lasugo wax qabadkiisa sidoo kalena Dr. Cabdiwali u sheegay dadka cadada badan ee u soo baxay damaashaadkiisa waxa ay ugu soo baxeen inay ka rabaan. Sidoo kalena u sheegay inuu iska ilaaliyo warxumo tashiilka iskudiro dirayaasha ah isaga ookula taliyay inuu  adeeg sado kalmadaha Yeelkadii iyo Yeelay.

Saasaa lagu lahaa!!!  Dheh Yeelkadii!!!!, Wanaagbaa laguugu yimid…. Dheh Yeelay… Isimadana ogow yayna dhicin inay wayaan wax ay ku qaabilaan dadkood……

Lasoco SOMSAT.TV

Sidoo kale warbixintan qaybta hadhay ha sugi waayin……..

 


Ceegaag.com

Boston

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply