Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixinta qaybtii 2aad ee Xaflad loogu mahad celinayay Madaxda maamulkii hore laguna soo dhaweenayay madaxda maamulka cusub ee Puntland oo lagu qabtay magaalada Boston ee wadankan Maraykanka.

Daawo Qaybtii 1aad ee Xaflada

Cabdi Tashad ayaa isagu hanbalyo udiray maamulka cusub ee Puntland sidoo kalena amaan kula dul dhacay maamulkii hore ee Cabdiraxmaan Faroole.

 

 

 

 

 
Waxaa kale oo isna goobta ka hadlay Xuseen Cabdi oo isagu kasoo jeeda Shabeelaha Hoose magaalada Marka, Xuseen ayaa waxaa soo casuumay gudiga qaban qaabada xaflada isaga oo u mahad celiyay kuna dhiiro galiyay Soomaalida inay raacaan Wadadaa cad ee cadaalada ah ee ay kucaraabeen Reer Puntland. Xuseen ayaa hadalkiisa soo gaabiyay kadib markii uu qadka soo galay madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdi wali Gaas.

 

 

 

 

 
Deeqo Jibriil oo iyadu ah madax Siyaadsada ee Soomaalida reer Boston ayna saaxiib dhaw yihiin Madaxwaynaha Puntland ayaa iyadu kusoo dhaweesay Dr. Gaas si uu ula hadlo shacabka reer Boston. Deeqo ayaa umahad celisay Madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole iyo dawladiisii sidoo kalena u sheegtay Dr. Gaas in reer Boston gacmo furan kusoo dhaweenayaan.

Deeqo ayaa Hanbalyo u dirtay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ka Joogaan dunida daafaheeda uguna duceesay in ilaahay marlabaad huwiyo Bustaha Sharafta dawladnimo.

 

 

 

 

Madaxwayne Gaas ayaa intaa dabadeed la hadlay reer Boston isaga oo u tacsiyadeeyay reer Cabdicasiis Nuur Xirsi iyo reer Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo uu sheegay inay geeridu xaq tahay balse uu jeclaan lahaa inay baryo nalsii joogaan si ay u arkaan Soomaaliya oo kusoo noqotay xaaladii markii aytalada wadanka hayeen.

Sidoo kale Dr. Gaas ayaa ku celiyay Qorshaha dawladiisa siiba qudbadii uu ka hor Akhriyay Baarlaamka Puntland wakhtigii Doorashada.

 

 

Gabyaaga reer Boston Farxaan Gaygay ayaa gabay uusan ku margan markan ka tiriyay goobta. Gabaygan waxaana erayadiisa kamid ahaa.

 

 

 

 

 

 

Puntlanaay Bisaylkaad lahayd Baahay dunidiiye

Barashiyo aqoontaad lahayd Powerkii kore e

Baaldahab nimanbaa galoo bari u dhayreede

Bulsha waynytu Baaqbay direen lagu baraaraaye

Balad iyo Banaankaba la arag Baratakoolkiiye

Badbaadada dalkeenaa ku xiran bulan dheeriya e

Buugaag kuqora oo u dira baaqigii haray e

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Afartaasi waa beegsigii eray banaan yaale

Afarkalena waa bicisada beeni raad maleh e

Bowwoow wixii baahi jirabaan baal ka rogayaa e

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Bilicsani barwaaqaan rabnaa beero soo baxa e

Baashaalkii nabadaan rabnaa inuu bidhaamaaye

Badroolkiyo shiidaalkaan rabnaa inuu butaacaaye

Beesada iyo badarkaan rabnaa inay bulaalaane

Balanqaadka Baladkii maqnaa baylah yuusan noqon eee

eeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiMMM

Waxaa isna goobta lagu soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Indhomaleh oo isgu reer Waamood ah waxa uu u tacsiyadeeeyay reer Cabdicasiis Nuur Xirsi kadibna waxa uu dadka u sheegay in reer Waamoodka lagu xanto inay xaga gabayada ka hareen isaga oo iska soo jaray tix gabay ah oo erayadeeda ay ka mid ahayd isaga oo ku halqabsaday saaxiibkii Cali Faysal.

Maanta oo akle ayay mudan tahay

Suugaan mugwayn madal laga tirshaa

Aan madaleeyo ee murtida iga qora

xilkan meertada ah

Ninba maalinbuu madanaha hayaa

Waa mahad Allee : Waa mahad Allee

Dalkii oo mushkilado iyo muran iyo Colaad Mashaqooyin dhicin

In ina Maxamed Gaas laga dhigay Madax iyo Masuul sare

Madaxwayne nin gayaa kama maarantee

Waa mahad Allee maantaba layidhi madalkeeda qabo

Waa mahad Allee halyay maskaxdii ina Camay Mataano looga dhigay

Waa mahad Allee la xulay Baarlamaan mug wayn

Milkiyeen Xilkii, mudanoo Siciid Madax looga dhigay

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

“Waxaa haatan u galayaa qaybta Halyayga”

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Haduu ruux maanta mudan yahay Amaan

Faroolaa masuul ahoo xilkii muujiyoo Magciisu galay Taariikhda

Mudanihii Madaxttoyadaa dhisoow mahad naga mudane

Madaxwaynihii qarnigoow magacaa ha jiro

Jubaland Gardaadshoow magacaa ha jiro

Masuul sare ayaad tahay e magacaa ha jiro.

Waxaa iyana goobta lagu soo  dhaweeyay Hooyo in badan lasoo tacaashay inay Soomaalida Boston wax ka dhigto “Maryan Gaas”  iyada oo ah Madaxa RIAC tasoo waxbadan ka caawisay bulshada inay lugohooda dib isugu taagaan kadib marka ay haayadeedu keento Maraykanka.

Maryan ayaa ugu Duceesay Odayadii inaga baxay wiigagii dhawaa Cabdirisaaq iyo Cabdicasiis in Illaahay Janada gaadhsiiyo, sidoo kale u sheegtay Madaxwayne Gaas inay uga fadhido inuu dalka ku maamulo Cadaalad, Sinaan si wax uga badalmaan xaalada jirta ee u diiday qurbo joogto dalka dib ugu soo noqdaan.

Maryan ayaa sheegtay in 70% reer Puntland dibada soo jiraan dadka waayeelka ah ee ay iyadu ku jirtana quud dareenayaan inay Cadceedaa Soomaaliya dib ugu soo noqdaan balse aysan dheceen hadii aan dalka la gaadsiin in dadku u codeeyaan madaxdooda oo aan hogaamiyo dhaqameedada laga sugin inay wax u doortaan.

 

 

Waxaa isna goobta lagu soo dhaweeyay Cali Faysal oo aad ugu mahad celiyay Maamulkii hore ee Puntland siiba madaxwayne Faroole, waxa uu dadka u sheegay in dalka dib loogu noqdo loona maal gashado isaga oo reer Puntland ku canaantay inay ka gaabiyeen maalgashiga wadanka. ugu danbay waxa uu dadka u sheegay in saaxiibkii Madaxwayne Cabdiwali Gaas inuu ka jibo keeni doono dhamaan balanqaadadii uu dadka u sheegay isaga oo sheegay in Puntland aysan ahayn Dawlad Goboleed ee ay Tahay Dawlad balse waa Dawlad Dawlada Soomaaliya Hoos timaada.

 

 

 

 

Waxaa goobta xaflada loo fagareeyay Sahro Cabdulaahi Warfaa oo si wayn ugu mahad celisay gabdhaha reer Main iyo reer Boston waxaa kale oo ay amaantay isbadalka Taariikhiga ah ee ka dhacday Puntland. Sahro waxay goobta ka tirisay Gabay isku fuuqsaday dhamaan suugaantii goobta laga tiriyay kasoo abaaray sababta xaflada loo qabtay ee ahayd in loogu mahad celinayay Madaxda maamulkii hore laguna soo dhaweenayay madaxda maamulka cusub ee Puntland.

Iyada oo hadalkeediina ku tidhi tix gabay ah oo erayada ay kamid ahaayeen….

 

  •  Cabdiraxmaan kuma seegin   Saamigaagu waa mid adag
  • Taariikhdu waa silsilad              Ruuxba sadar ka galo
  • Safxadaheeda badanbaad         Saani ugu jirtaa
  • Siyaasad Hufan                              Sawdkaaga dunida silsilay
  • Puntland sayri mayso                Sumcadaad u saartay meel
  • Sadriga iyo maanka                    Qalbigaan kugu sidnaa
  • Oo ubax sal iyo baar udgoon  Oo dheehu saaran yahay
  • Iyo Sagootin wanaagsan          Sokeeyahaan saacidnoow

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

  •  Cabdiraxmaan cabqaribaad tahay iyo   Geesi aragti dheer
  • Codkaagu kuma ciilin    Cilaaqaadkaagu waa mid culus
  • Jubaland adigaa u ciidmoo      Cadawgeedii ciida dhigay
  • Dastuurka Caawiyoo                    Caanka dhigay
  • Caano iyo nabad                     Caafimaad ku Nooloow
                  #################################
  • Dawlada noo curayta e      Ciriiri ha galin
  • Oo caadil kudaadaheeyoo   Caynaano hela
  • Oo cirku hadiin hooro   Ceelashu ha idiin furmeen
  • Oo barwaaqo ku caana maala oo wanaag cuskada
  • Oo ciideena cadawgu ciilaayo   Soo ceshada
  • Oo Puntland ku Caraabsha meel aan cagaag lahayn
                    &&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&
  • Cabdiwali, Cabdixakiin……
  • Cabdiyada burjiga Illaaah siiyayoow baaqanoow
  • Madaxa baarlamaanka Siciid oo bogaadin mudan
  • Xildhibaano bilan iyo wasiiro baasha kaga jira
  • Boqorka iyo isimada Puntland ee Bayaanka Adag (Boqorka Daarood)
  • Dawlada barakeesan ee Illaah bandhigay
  • Bulshada isbahaysatoo aan la beegsan karin
  • Baladu ka xijaaban Bisinkaana loo hayaa
                 %%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%%
  • Cabdiwali cirkaa lagaa doortay  Carshigaa lagaa dalbaday
  • Oo caleemo saarkaagu      Cindalaahi buu ka yimid
  • ee Ogoow Imaam caadil ahi Casiiskuu abaalka heli
  • Codkaaga gaadhsii caradeena Cidhif kastaba
  • Cuqaasha taladooda Cindigaaga meel ku xiro
  • Hawlaha ceeriinka ah oo cabdiraxmaan ka tagay
  • Puntland ku caraabi meel aan cagaag lahayn
  • Inaad tahay nin culus oo aan la caabin karin
  • Cadaan weeye markhaati ayaana loo cuskaday
                        $$$$$$$$$$$$$$$$$$$$$$$$$
  • Cabdiwali indheergaradbaad tihiyo geesi amaro wayn
  • Albaqriyo Alkaafbaan kuugi xiray garbaha
  • Oo iqra iyo alcaanbaan kaaga dhigay Albaab
  • Asmaa’ulxisnaa kuugu furay irdaha
  • Il iyo shaydaan ilxuni kuma arkaan
  • Adiga iyo Oridaada Awlaadaadu wada cimriya
  • Oo Welcome Boowe soo dhawoow Ikhyaarka aan aaminoow

Ceegaag.com

Boston

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply