Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka oo dalbaday in labo maalmood gudahood lagu horkeeno Ra’iisul Wasaaraha

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid tahay xeer hoosaadka uu yeelanayo Baarlamaanka, iyadoo kulanka looga codsaday Madaxweynaha inuu ku hor-keeno Ra’iisul Wasaarihiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir gudoominayay kulanka ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay muhiim tahay in waajibka saaran ka soo dhalaalaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay qorshaha istiraatiijiyada Baarlamaanka afarta sano ee soo socota, iyadoo Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku soo aqrisan doonaan saddex cisho, kadibna ay ansixin doonaan.

Intii ay socotay doodaha iyo aragtiyada ay soo gudbinayeen Xildhibaanada ayaa waxay ka codsadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka in labo cisho gudahood lagu soo horkeeno Ra’iisul Wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shir-doon Saacid.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka codsan doono in labada maalmood ee soo socota lagu horkeeno Baarlamaanka Ra’iisul Wsaaaraha cusub.

Xildhibaanada ayaa sheegay in sharci tahay in Ra’iisul Wasaaraha la horkeeno si loo ansixiyo, iyadoo Xildhibaanada ay isla dhex marayeen aragtiyo la xiriirta in marka ugu horeysa la horkeeno Ra’iisul Wasaaraha, kadibna Golihiisa Wasiirada, balse arrinta la hadal haayo ay tahay in isku mar Baarlamaanka loo horgeyn doono Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ku furmay 202 Kooram, iyadoo markii dambe ay ku soo biireen Xildhibaano kale, waxaana Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay in Xildhibaanada ka maqnaa fadhiga loo qeybin doono qoraalada.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag