Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaarista xifdinta qur’aanka kariimka ee gobolka J/hoose oo ku midoobay dallad cusub

Madaaarista lagu barto xifdinta qur’aanka kariimka ee gobolka J/hoose ayaa ku midoobay dallad cusuboo lagu magacaabo Dalladda barashada qur’aanka kariimka iyo sunnada nabiga, taasoo ay ku mideeysanyihiin in ka badan 800 oo madaraso.

Gudoomiyaha dalladan cusub ee ay ku midoobay madaarista lagu barto qur’aanka Sheekh Xuseen Max’ed Aadan ayaa sheegay in dalladan cusub ay tahay mid mideyn doonto dhamaan madaarista lagu barto qur’aanka ee gobolka J/hoose, wuxuuna xusay in ay wax badan ka qaban doonaan sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada diiniga ah ee Jubooyinka.

“Waxaan ugu baaqeynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa iyo dhamaan dadka kheyrka jecel in ay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa dallada iyo madaarista lagu barto diinta ee ku yaal Jubooyinka,” ayuu Sheekhu hadalkiisii raaciyay

Gudoomiye ku xigeenka dallada Sheekh Aadan Xiroow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dalladan ay aasaaseen todobo bilood ka hor balse ay maanta si rasmi ah u dhameystireen maamulka dallada, wuxuuna xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen waxbarashada diiniga ah.

Dalladan cusub ee ay ku midoobeen madaarista xifdinta qur’aanka kariimka ee ka howlgasha gobolka J/hoose ayaa la filayaa in ay wax weyn ka tari doonto dhanka tayeynta iyo dhiirigelinta barashada qur’aanka kariimka iyo sunnada nabigeenna Muxamed (NNK).

Ceegaag Online

Xafiiska wararka kismaayo.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply