Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kismaayo (Ceegaag Online) Taliyihii ciidanka ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba Ciise Kaambooni iyo labo ka tirsaneyd ilaaladiisa ayaa caawa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Rag hubeysan ayaa rasaas ku furay saddexda nin ee dhimatay oo wada saarnaa gaari, xilli ay marayeen waddo ku taalla xaafadda Farjanno ee Kismaayo.
Wararku waxay intaa ku darayaan inay goobta ka carareen raggii falka geysatay.
Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba oo gaaray goobta uu ka dhacay shilka ayaa billaabay howlgal lagu raadinayo ciddii ka dambaysay falka.
sidoo kale waxaa la jaray shirkadaha isgaarsiinta magalada kismaayo.
Ceegaag Online
Xafiiska wararka kismaayo.
Figradihiina