Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC kaasi oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Tehran ee caasimadda Dalka Iran.
Shirka oo socon doona mudo Laba cisho ah oo kala ah 18-19ka bishan February waxaa si rasmi ah u furay maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Hassan Ruhani oo isagu sheegay iney lagama maarmaan tahay xiligan in dalalka Islaamku iskaashi ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka qaarkood sida Falastiin,Afghanistan iyo Syria waxaana uu xusay in Dowladda Iran ay diyaar u tahay dal walba oo Islaam ah iney la sameyso iskaashi buuxa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran marti gelinta shirkan dalalka Iskaashiga Islaamka iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen Wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo, sidoo kalena Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu ka waramay hormarrada uu ku talaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba dowladda Soomaaliyeed oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hada iskaashi buuxa la leeyahay dalal badan oo caalamka Islaamka ah waxaana uu intaa ku daray in mar walba ay diyaar u yihiin iskaashi buuxa oo ay la sameeyaan Baarlamaannada dalalka Islaamka,waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba dalalka Islaamka dhibaatada heysata uu Alle ka dulqaado.
Shirkan oo lasoo gebagebeyn doono maalinnimada berrito ah ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Iran Dr Ali Larijani waxaana maanta ka sokoow Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya khudbadda uu ka jeediyey sidoo kale ka hadlay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Sudan,Turkey,Kuwait,Qatar,Imaaraadka Carabta,Malysia,Indonesia,Afghanistan, Mayanmar, Azarbijan, Bakistan iyo Bahreyn.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Figradihiina