Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Booqday Safaaradii hore oo ay Dowlada Soomaaliya ku Lahayd Magaalada Nairobi

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federalka ah ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta booqday safaaradii dowlada Soomaaliya ay ku lahayd xaafada Westlands ee magaalada Nairobi oo sedax sano ka hor dib loogu soo celiyay gacanta dowlada Soomaaliya.

Wafdiga uu hogaaminayay ra’iisul wasaaraha soomaaliya ayaa soo indha-indheeyay oo ku soo wareegay dhismaha safaarada oo burbur xoogan uu ka muuqdo.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa wafdiga ra’iisul wasaaraha warbixinka siiyay dadaalkii dheera ee loo galay dib u soo celinta safaarada dowlada soomaaliya ay ku lahayd dalka Kenya.

Wasiirka ariimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta qaranka kula hadlay gudaha safaarada ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay burburka ka muuqda safaarada,isagoo sheegay in ay dowlada ku dadaali doonto sidii dib loo dhisi lahaa.

Wasiirka arrimaha dibada ayaa intasi ku daray in marka xigta oo uu ra’iisul wasaaraha soo booqanyo safaarada uu soo booqan doono,iyadoo iyadoo qurxan oo la dhisay.

Safaarada dowlada Soomaaliya ay ku lahayd dalka Kenya ayaa gacanta dowlada Soomaaliya lagu celiyay bishii December ee sanadkii 2010,ka dib markii in muda ah uu sharci daro ku haysto ganacsade u dhashay dalka Hindiya.

 

Ceegaag.com

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply