Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Iran ayaa maanta magaalada Tehran kulammo gaar gaar ah kula qaatay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada qaar ka mid ah dalalka Islaamka ee xabnaha ka ah ururka iskaashiga islaamka ee OIC.
Kulankii ugu horeeyey waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay dhigiisa dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor,kulankii ku xigayna waxa uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Bahrain Khalifa Bin Ahmed,Kulanka Sedexaadna Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkey Cemil Cicek,kulamadii xigayna waxa uu waqtiyo isku dhow isla maanta kula qaatay magaalada Tehran Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Imaaraadka,Afghanistan iyo Syria.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gudoomiyeyaasha Baarlamaannada uu la kulmay waxa uu uga warbixiyey hormarrada guud ee ka jira Soomaaliya,gaar ahaanna hormarrada uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,sidoo kalena waxa uu Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u sheegay Gudoomiyeyaasha uu la kulmay sida uu Golaha Shacabka Soomaaliya ugu diyaarsan yahay iskaashi iyo wadashaqeyn uu la sameeyo dhammaanba Baarlamaannada Caalamka.
Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna si isku mid ah waxa ay u ammaaneen hormarka uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay dhankooda ballan qaadeen iney wadashaqeyn iyo iskaashi joogta ah la sameyn doonaan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ceegaag.com
Figradihiina