Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Khasaarihii weerarkii Vila Soomaaliya

Weerarka maanta lagu qaadey Villa Soomaaliya ayaa khasaaraha ka dhashey uusan ahayn sidii la qiyaasayay marka loo eego awooda Weerarka, dhimashadu waxay u badan tahay ciidanka Dowlada, Waxaa ku geeriyoodey Agaasimihii Xafiiska Raysalwasaaraha Maxamuud Xirsi Cabdule”Indho Case”  , Taliyihii hore ee Nabad sugida Nuur Shariboow, Askari Jabuutiyaan ah oo ka mid ahaa ilaalada Safiirka Jabuuti. Madaxweynaha Amaankiisa waxaa la wareegey Amisom, lamana oga meesha la geeyey hada ma uu joogo Villa Soomaalia.

 

Dhawac badan ayaa iyana jira ay kamid yihiin koox xilædhibaano ah oo dhawacoodu fudud yahay, waxaa hada aad loo adkeeyey Guud ahaan amaanka Villa Soomaaliya, Ciidamada Amisom waxay xireen dhamaan Wadooyinka gala Villada.

 

Raysal Wasaaraha ayaa isna soo degaya maanta sidaas awgeed waxaa aad loo adkeeyey Amaanka inta u dhaxaysa Villa Soomaaliya ilaa Garoonka Diyaaradaham, Wadada Maka Al-muklarama waxaa lagu daadiyey Ciidan fara badan.

 

Shabakada Ceegaag ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirasa qoysaska askartaa qaran doonka ahaa waxaana si khaasa tacsi ugu diranaa qoyska iyo qaraabada Maxamuud Xirsi Cabdule”Indho Case” oo ah sarkaal ugu sareeyay ee ku geeryooday weerarkan.

sidoo kale waxaanu tacsi u diranaa qoyska iyo qaraabadii Jenaraal Nuur Shiriboow oo isna ku geeryooday weerarka maanta.

 

 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply