Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha murursade oo dowlada xasan ‘C’ Madaxwayne Xasan Sheekh kalsoonida kala laabatay (DAAWO SAWIRADA)

Beesha Murusade oo Shalay galab si rasmi waxa ay u shaacisay in Kalsoonidii iyo taageeradii kala noqdeen Dowlada Federaalka Soomaaliya, kadib shir balaaran oo mudooyinkan soo socday gaba gabadiisana Shalay Galab lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirka ay yeesheen Beesha Murusade waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano , Siyaasiyiin , Odayaal Dhaqmeed , Haween iyo Dhalinyaro , waxa ayna dhamaan isku raaceen in Kalsoonidii iyo taageeradii kala noqdeen Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh.

Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya hadal koobana ka jeediyay Madasha kulanka ayaa sheegay in uu taageersan yahay soona dhaweenayo go’aanka ay beeshu ku gaartay in Kalsoonida kala noqotay Dowlada uu Hogaamiyo Xasan Culusow.

Waxaa sidoo kale isna goobta ka hadlay Xidhibaan Xasan Macalin oo isaguna sheegay in uu ayidsanyahay Go’aanka ay gaareen Beesha Murusae uuna soo dhaweenayo in Kalsoonida lagala noqdo Dowlada Xasan Culusow uu ku eedeeyay in ay xaqirtay Dhamaan neelaha dagan Gobalka Banaadir..

Sidoo kale Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara Cadde oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Xasan  ilbaabada ka xiratay Beesha Murusade , waxa uuna tilmaamay in go’aanka ay Beesha Murusade Kalsoonida kala noqotay Dowlada uu yahay mid laga wada mideesan yahay.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply