Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sir : Wada shaqeyn qarsoon oo Ka Dhaxaysa Ciidamada DFS iyo AL Shabaab

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmahaan kusoo badanayay dilalka loo geysnayo dadka shacabka ah, xubnaha ka tirsan dowlada iyo saraakiisha ciidamada.

Waxaa jira dalabyo horay kaga imaanayay ciidamada booliska iyo masuuliyiintooda ugu sareysa, oo ay wada shaqeyn kaga dalbanayaan shacabka, haddana waxaa jirta is aaminaad la’aan ka dhextaagan shacabka iyo ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Dhacdo naxdin iyo xanuun badan, ayaa waxa ay ka dhacday xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxaana inooga sheekeeyay mid kamid ah ehelka bile gabar Shaah iibineysay oo la dilay, kuwaasi oo diiday in magacooda iyo magaca gabadhaba la baahiyo, si waxyeelo dambe aysan usoo gaarin.

“Gabadha waxay shaah ku iibineysay Xaafada Juungal waxaa maalin maamaha kamid ah la kulmay oo shaah ka iibsanayay wiil dhalin yaro ah oo bastoolad watay iyo ciidamo dowlada ka tirsan, oo goobta ku wada kulmay. Ciidamadii ayaa markii ay shaah cabeen isku dayay inay iska dhaqaaqaan, waxaa ka daba dhaqaaqay wiilkii dhalinyarada ahaa oo ka dambeeyay ciidanka, Markii uu dhaqaaqay waxaa ka dhacay Bastooladii uu watay, waxaana arkay gabadha, durba waxay ku qeylisay inuu wato bastoolad, ayada oo isku dayeysa inay bad baadiso ciidanka dowladda, loona xiro wiilka oo ay ku tuhuntay inuu ahaa Shabaab” ayuu yiri qof ehel la ah gabadha allaha u naxariistee.

Isaga oo hadalka sii watay ayaa waxa uu yiri “ Waxaa la yaab lahaa in ciidankii ay u qeylo dhaamisay iyo wiilkii ay gees isula baxeen, kadibna waa wada hadleen, oo ayaga oo wada qoslaya kala tageen”.

Intaasi kadib, ayaa maalinkii xigay, waxaa meel aan ka fogeyn maqaayada gabadhii ku dilay wiilkii shalay ay sheegtay inuu bastoolad watay, sida ehelkeedu ay sheegeen, kuwaas oo sheegay in haddii ay u sheegi lahayd wixii dhacay ay durbadiiba ka kaxeyn lahaayeen xaafadda, balseqatiga uu intaas ku ekaa.

Dhacdadan, ayaa maalmihii dhowaa aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, waxaana ay muujisay shaki ku saabsan inuu jiro xiriir u dhaxeeya qaar ka mid ah ciidamada dowladda Somalia iyo Xarakada Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in xaafadda Juungal iyo xaafadaha ka koreeya ay yihiin meelaha ay ku xooggan yihiin Shabaabka ee Muqdisho.

Ceegaag Online

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply