Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa sii kordhaya walaaca Beesha caalamku ka muujinayso qalaalasaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhaba kadib markii mid kamid ah shirarkii halkaas ka socday ay shaaciyeen inay doorteen madaxweyne mamaul goboleed ka kooban 6 gobol. Dowlada Federaalka Somalia ayaa iyaduna dhinaceeda walaacaas mid lamid ah muujisay iyadoo qoraal kasoo baxay xafiiska wasaarada arimaga gudaha iyo federaalka lagu qaadacday shirka ka socda xarunta ADC ee la sheegay inay doorteen madaxweyne maamul goboleed ka kooban 6 gobol. Shalay waxaa qoraalo ay arintaas ku diidan yihiin soo saaray UNSOM, AMISOM iyo IGAD.
Qoraalka IGAD ayaa lagu sheegay in ururka IGAD uu soo dhaweeynayo mowqifka DFS ay ka qaadatay shirka Baydhabo wuxuuna urur goboleedku hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in dhamaan saamilayda siyaasadeed ee ku shirsan magaalada Baydhabo xurmayaan heshiiskii Addis Ababa ee Bishii August 27/2013 ku kala saxiixdeen DFS iyo maamulka Juba kaas oo lagu aqoonsaday maamulka kumeelgaarka ee Juba oo ka kooban sadax gobol oo kala ah Jubada Hoose, Jubada dhexe iyo Gedo.
Ceegaag.com
Figradihiina