Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay, kana tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec

Warsaxaafadeed—11/3/2014— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed AUN, Maxamed Suleymaan Tubeec oo dad badani ay ku yaqaaneen in uu ahaa boqorkii codka ee fannaaniinta Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Jarmalka oo lagu dawaynayay.

“Qof kasya waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq. Allaha u naxariisto Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo kamid ahaa fanaaniinta ay aadka u jecelyihiin dadka Soomaaliyeed isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyada iyo dal jacaylka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qaraabada iyo sxaabta uu ka geeriyooday fanaanku , meel kasta oo ay joogaan. Waxaana uu ilaahay uga baryay in uu ka waraabiyo Janaddiisa Fardowsa, samir iyo iimaanna uu naga wada siiyo.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Moqdisho- Somalia
E: 
media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM  @Ridwaanhaji

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply