Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed ee CCA ayaa soo qabanqaabisay Munaasabadda Bandhigga Nabadda iyo Barbaarta Muqdisho

Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 600- oo qof ayaa lagu qabtay Xarunta Maamulka Degmadda Warta Nabadda ee magaalladda Muqdisho.

Munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed ee CCA, ayaa waxay ujeedkeedu ahaa si loo muujiyo Is-dhexgalka Bulshadda ee Nabadda iyo in la  soo bandhigo Nabadda ka jirta magaaladda Muqdisho.

Wasiiradda Amniga Qaranka iyo Warfafainta ee Xukuumadda Federalka, Md. C/kariim Xuseen Guuleed iyo Mustaf Sheekh Dhuxulow, Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Jeneral C/llaahi Gaafow, Guddoomiyaha Hay’adda CCA, Md. Maxamed Ibraahim Ali “Maxamed Cajiib” iyo Guddoomiyaha Degmadda Warta Nabadda, Marwo Deeqo C/qaadur Axmed iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka soo qeyb galay Munsabadaasi loogu magac daray Bandhigga Nabadda iyo Barbaarta Muqdisho.

Wasiirka Amniga Qaranka, Md. C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu u mahadceliyey Hay’adda CCA ee soo qabanqaabisay Munaasabadaasi, isagoo sheegay inuu Bandhigga ka turjumayo xaalladda Nabadda ee Muqdisho ,

Wasiirka waxa uu xusay inuu Bandhigu caddeyn u yahay inaysan waxba ka jirin Borobogaandada ka dhanka ah inay Muqdisho nabad aheyn oo kooxda Shabab ay faafiyaan.

Wasiirka Warfaafinta, Md. Mustaf Sheekh Dhuxulow, waxa uu isagana aad ugu dheeraaday Kaalinta Wacyi-gelinta Bulshadda ka qaadan karo Horumarinta Nabadda.

“Qaraxyadda dhacayo iyo dicaayadda Alshabaab ku sheegeen inay Muqdisho nabad ka jirin waa borobogaando lagu qaldayo Ra’yul-caalamka” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo intaasi ku daray inaysan qaraxyadda waxba u hdimi Karin nabadda lagu naalloonayo.

Mustaf Dhuxuloow ayaa qeexay dhinaca kale in Shabaab looga adkaan karo wax wada qabsi iyo dadka oo ku kalsoonaada dawladooda.

Madaxdii ka hadashay munaasbadaasi waxay aad u  bogaadiyeen Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed, Md. Maxamed Cajiib, waxayna sheegeen in Bandhigyadda noocaasi yihiin kuwo kaalin ka qaadan kara Is-dhexgalka Bulshadda iyo dhiirigelinta Nabadda iyo Ammaanka ka jira caasimadda Muqdisho.

Munaasabadaasi oo si toos ah looga daawanayey Telefishinka Qaranka, ayaa waxaa dadweynaha madadaaliyey Barbaarta Gaashaaman iyo Fannaaniin ka tirsan kuwa Qaranka, kuwaasi oo  soo bandhigay Suugaan ka turjumaysa Nabadda iyo Waddaniyadda.

Kooxda ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa waxay soo bandhigeen qaar ka mid ah Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka, gaar ahaan Dhaanto, Wilisiqo iyo Shirib.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’adda CCA soo qabanqaabiyaan Barnaamijyo lagu wacyi-gelinayo dadweynaha, laguna taageerayo Nabadda iyo Ammaanka ka jirta magaalladda Muqdisho, waxayna Jimcihii hore soo abaabuleen Dood-wadaag looga hadlay wada shaqeynta Dowladda iyo dadweynaha.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply