Kooxo Hubeysan ayaa caawa fiidkii ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Caan ah oo si aad ah looga yaqaano magaalada, iyadoo dilkan ay geysteen Kooxo Hubeysan oo markii dilka ay geysteen goobta ka baxsaday. Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Axmed Sheekh, kaasoo lagu dilay Xaafada Via Afmadow wixii ka dambeeyay salaadii maqrib kadib oo uu aqalkiisa ku wajahnaa.Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan, iyadoo dilkan uu qeyb ka yahay dilal tan iyo markii Ciidamada Dawladu iyaga oo kaashanaya Ciidamada afrikaanka ay soo galeen magaalada horaantii bishan lagu dilayay magaalada Nabadoono iyo dad kale. Ciidamada kala duwan ee ku sugan magaalada ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, inkastoo aan la soo sheegin cid ay soo qab qabteen.
Kaaxda Qawlaysatada Argagixisada ah ayaa uga tagay huromo dhuljiifteenaya magaalada Kismaayo kuwaasoo fulinaya siyaasadooda ah hadii aanan cunayn waan ciideenayaa oo ka dhigan hadii talada lagala wareegay inay laayaan wax garadka si nabadu faraha uga baxdo. Ciidamada qalabka sida ayaa iyagu ku hawlan sugitaanka xuduudaha Soomaaliya oo ay haatan faro ba’an ku hayso dawlada Kiiniya iyago oo isticmaalaya Qabyaalada wakhtigeeda laga soo gudbay.Dhinaca kale Xaalada Xaafada Via Afmadow ayaa kacsan, waxaana albaabada loo laabay dhamaan goobaha ganacsiga, iyadoo magaalada inteeda badan ay bandow iskeed gashay markii dilka dhacay.
Figradihiina