Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa booqasho qarsoodi ah subaxnimadii hore ee maanta (Axad) ku tegay magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
Sida ay sheegaayan warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay dadka degaanka, wefdi uu hogaaminaayo Siilaanyo ayaa soo galay magaalada saaka waxaana ay booqdeen dhowr meelood.
Dhanka kale waxaa Magaalada Goowe goordhow shir jaraa’id ku qabtay wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle(Indho-guran), wuxuuna ka hadlay socdaalkii madaxweynaha Somaliland, uu ku tagay maanta magaalada Laasqoray ee gobalka Sanaag.
Wuxuu ku tilmaamay socdaalkaas mid muujinaya colaad ka qaraxda degmada Laasqoray, wuxuu kaloo sheegay Laasqoray in ayka tirsan tahay Puntland.
Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in ay aad uga naxayen markii ay maqleen Axmed Siilaanyo in uu joogo Laasqoray, Waxaana Sidoo kale La Waydiiyey Su’aalo Dhowr Ah.
“Waxay nagu noqotay arrin argagax ah, waayo marna lama filaynin in Siilaanyo uu joogo Laasqoray oo u dhow Boosaaso kana tirsan Puntland” ayuu yiri wasiir Indho-garuun.
Indho-guran ayaa ku tilmaamay Socdaalka Siilaanyo daandaansi hor leh oo lagu sameeyay dhulka Puntland,wuxuna ka digay wax kasta oo keeni kara colaad dhexmari karta Puntland iyo Somaliland.
Ceegaag Online
Figradihiina