Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka aan saakay ka helnay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay saqdii dhaxe Degmadaasi uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin iyo weerar toos ah ay geesteen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.
Weerarka ayaa lagu qaaday Hotel lagu Magacaabo Cumaroow ay dagnaayeen Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada iyo Masuuliyiin katirsan Gobolka Hiiraan , waxaa sidoo kale Hotelka la weeraray Deganaa Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM.
Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in markii hore Hotelka lagu weeraray kadibna rag Hubeesan oo katirsan AL-Shabaab Weerar toos ah ku qaadeen Hotelka Cumaroow halkaas uu ka dhacay Dagaal toos ah.
Ku dhawaad 10-qof oo isugu jirta Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Hotelka kuyaala Buulo Burde , dadka dhintay waxaa ku jira sida la sheegay Sargaalkii hogaaminayay Ciidamada Dowlada ee qabsaday Buulo Burde.
Weerarka waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in lagu dilay Dagaalyahanno dhoor ah oo katirsan Xarakada Al-Shabaab oo weerarka fuliyay ,inkastoo ay aad u adagtahay helitaanka xogta dhabta ah eek u aadan Weerarka xalay saqdii dhaxe ka dhacay Degmada Buulo Burde.
Isgaarsiinta Degmada Buulo Burde ayaa saakay hawada ka maqan , mana jiraan wax war ah oo laga helay Masuuliyiinta Dowlada ee Gobolkaasi , Al-Shabaab ayaa sido kale aan ka hadlin Weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Xalay Buulo Burde.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
Ceegaag Online
Figradihiina