Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka hadlay markii ugu horaysay eedaymo ay dhawaan u jeediyeen maamulkaasi qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Sade ee ku dhaqan deeganada Jubbooyinka iyo Gedo kaasoo ku aadanaa in dadka shacabka ah lagu hayo barakicin.
Xasan Daahir Afrax Xeer illaaliyaha Maamulka Jubba ayaa ka hadlay xaalada guud ee deeganada Jubbooyinka isagoo dhinaca kale sheegay amniga degmada Kismaayo inuu yahay mid dagan oo aysan jirin wax dhibaatooyin ah oo muddooyinkaan ka dhacay Kismaayo.
Wuxuu sheegay sidoo kale dad laga saaray guryo ay leeyihiin inaysan jirin isla markaana Maamulka Jubba uu dhowr meelood ka saaray dad shacab ah oo daganaa guryaha dowladda oo sida uu hadalka u dhigay u baahday maamulku.
Ceegaag Online
Xafiiska wararka kismaayo
Figradihiina