Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamada dowladda Burundi ee qaybta ka ah ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta la geeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Tirada ciidamadan maanta la keeynay magaalada Kismaayo ayaa gaaraya 70 askari ayadoo ay unugtan ay tahay kuwii labaad ee ka soo daga garoonka diyaaradahay magaalada kismaayo, waxaana ay imaanshiyahooda magaalada Kismaayo daba socotaa heshiiski dhawaan ay kala saxiixdeen maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Heshiiska ayaa ku caddaa in ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Burundi, Sierra Leone iyo Kenya la geeyo magaalada Kismaayo si ay halkaasi uga howlgalaan.
Ciidamada Burundi ee maanta la geeyay magaalada Kismaayo ayaa looga fadhiyaa inay gobolada Jubooyinka ka saaraan haraagga Maleeshiyaadka Shabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah deegaanadaasi.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina