Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad lagu sagootiyay Raysalwasaare Gaas oo lagu qabtay Villa Soomaliya

Munaasabad casho sharaf ah oo lugu sagootinayay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya laguna soo dhaweeynayay R/wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalaka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen madaxada ugu sarreysa dalka ayaa xalay lagu qabtay xarunta maxadxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Munaasabadda oo uu sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qeybgalay R/wasaarihii hore Dr. C/weli Gaas, R/wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon, Guddoomiyha Baarlamanka Prof. Jawaari, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay R/wasaarihii hore Dr. C/weli oo ka waramay waxqabadka xukuumaddii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay,  isagoo kula dardaarmay R/wasaare Saacid in uu howsha halkeeda ka sii wado.

R/wasaare Saacid oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in xaaladda maanta dalku ku jiro looga bixi karo isku duubni Soomaaliyeed iyo wada shaqeyn dhexmarta dowladda iyo shacabka, isagoo ballanqaaday in uu ku dadaalayo sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo magacaabay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari oo hadlay ayaa ku dhiirigeliyay R/wasaare Saacid in uu wax ka qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka isagoo Dr. Gaas ku amaanay wax qabadka xukuumaddiisii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa si weyn u amaanay wax qabadka Xukuumaddii Dr. C/weli Gaas,  isagoo sheegay in dadaalkii ay sameeysay Xukuumaddii Dr. C/weli ay ka dhasheen madaxda iyo dowladda hadda jirta, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda uu soo dhisidoono R/wasaare Saacid ay dalka u horseedi doonto isbedel iyo horumar dhan kasta ah.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag