Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waa ay ku dhaawacantay qarax miino oo maanta lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayey xaafadda Dalcadda ee magaalada Kismaayo.
Dad goob-joogayaal ah oo la hadlay shabakada Ceegaag Online ayaa sheegay in geerida iyo dhaawaca dadka rayidka ah ay ka dhasheen rasaas xooggan oo dhacday kaddib qaraxa.
Goob-joogayaasha ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidamada AMISOM, iyadoo goobtii qarax uu ka dhacay ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka AMISOM oo ku saabsan qaraxaan saaka ka dhacay magaalada Kismaayo.
Xafada uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid ay ku soo badanaysay qaraxyo ceenkan oo kala ah oo lala beegasanayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Gudaha magalada kismaayo.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka Kismaayo-somalia
Figradihiina