Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Garaad Abdilahi Garaad Soofe oo Caawa lagu soo dhaweeyey Deegaanka Goob Wayne( sawirada)

Caawa Fiidkii Waxaa Deegaanka Goobwaynev oo dhinaca itoobiya ka Xigta Magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyey Wafti uu Hogaaminayo Garaad Abdiahi Garaad Soofe oo kamid ah Madaxda Dhaqanka ee Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn( EE Khaatumo) Garaadka iyo Wafigiisa ayaana ka soo Kicitimay Magaalada Muqsho oo ay kaga soo Qayb Galeen Shirarkii looga Hadlayey arimaha Somalilada iyo Xulista Ergooyinkii soo Xulayey Baarlamanka Wadanka somalia haatan loo sameeyey.



Garaadka ayaana Caawa Waxaa deegaanka Goobwayne ku soo Dhaweeyey Dadwayne aad u Tiro badan oo ka kala yimid Guud ahaanba Deegaanada Buuhoodle ku hareeraysan Waxaana Xiliga uu Garaadku yimid Deegaanka Goob Wayn Xili Habeen ah, iyadoona ilaa Maanta Dadwayne farabadan sugayeen imaanshiiyaha Garaad Abdilahi Garaad Soofe.

Hadal kooban uu Warbaahinta Gaadhsiiyey ayuuna uga Mahad Celiyey dadwaynihii soo dhaweeyey Waxaana uu sheegay in safaradii uu ku Maqnaa ay Ku soo dhamaadeen Guul iyo Gabonimo, Waxana uu Garaadku intaasi ku daray inuu Bari dadwaynaha Meel fagaare ah kala Hadli Doono Hadii ilaahay Idmo, Waxaana Waftiga uu Caawa Garaadku Hogaaminayey ku hoydeen Deegaanka Goobwayne, Magaalada Buuhoodle ayaana Caawa Waxaa ka soconaya Diyaar Garow Xoogan oo loogu jiro soo dhawaynta Garaadka.


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag