Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Taliska qaybta Booliska ee gobolka Nugaal waxaa lagu soo kordhiyey dhismayaal cusub oo Booliska gobolka Nugaal ay ku shaqayn doonaan,waxaa sidoo kale lagu sameeyey qaybihii hore ee taliska dayactir baahsan ayadoo ciidamadda Booliska gobolka loo keeney qalabyo kala duwan.
Kulanka maanta xariga looga jarayey xarumaha cusub ee qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa ka dhacey xarunta Taliska qaybta ee magaladda Garowe,goob joog waxa halkaas ka ahaa madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdi-Xakiin Xaaji Cumar (Camey),Taliyaha ciidamadda Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf,saraakiisha ciidamadda Taliska Booliska gobolka Nugaal iyo saraakiil ajanabi ah oo ka socdey hay’adda hormarinta ee Qaramadda Midoobey (UNDP).
Camey madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland waxa uu xariga ka jarey dhismayaasha cusub ee xarunta Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland lagu soo kordhiyey,waxaana uu aad ugu mahad celiyey hay’adda UNDP oo ku tilmaamey mid xili walba ka horaysa inta baddan hay’addaha dalka ka shaqeeya waxaa uu ugu baaqey hay’addaha kale ee dalka ku sugan in ay dowladda iyo shacabka reer Puntland ula shaqeeyaan sidii loogu talagaley.
Taliska ciidamadda Booliska gobolka Nugaal ayuu madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland kula dar’daarmey in ay masuuliyad iska saaran ilaalinta hantidda ciidamadda Booliska ee gobolka,waxaana uu ka digey in qalabkan cusub iyo dhismayaasha quruda badan ee lo dhisey in ay dayacaan oo ay cidlo ku baa’baan.
Sargaal ka socdey hay’adda UNDP ee hormarinta barnaamijyadda Qaramadda Midoobey oo magaciisa lagu koobey Devid waxa uu sheegey in guud ahaan Puntland ay la garab taagan yihiin sidii loo heli hormar balaaran oo dhamaan dalka Puntland ka hirgala,waxaana uu sheegey in dhismahan cusub ee ay hay’adda UNDP ay dhistey uu qayb ka yahey qorshe ay hay’adda ugu talo gashey in ay ka fuliso 6 saldhig oo ku yaala gudaha Puntland si amaanku u kobco.
ceegaag.com
Figradihiina