Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Safarka Rasalwasaara ee Magaalada Kismaayo(Daawo KalsanTv)

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa safar uu ku maroyo dalka ayaa hada waxa uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo isaga oo maanta soo indhoindheeyay horumarka uu ku talaabsaday maamulka Jubaland oo la yagleelay sanadkii hore.

Ra’isul wasaaraha dowladad Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta booqday qeybo ka tirsan magaalada Kismaayo oo ay kamid tahay Isbitalka Kismaayo, Dekedda iyo weli qaar kamid ah xarumihii dowladii hore oo dhawaan dayactir lagu sameeyay.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ugu horeyn booqday xaruntii hore ee caymiska, taasoo dhawaan la dayactiray lana doonayo inay noqoto xarunta barlamanka maamulka Jubbaland, waxaana ay warbixin ku saabsan xaruntaasi ka dhageysteen qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Jubba.

Intaasi kadib ayuu wafdigu booqday isbitalka guud ee degmada Kismaayo, halkaasoo uu warbixin uga dhageystay madaxda caafimaadka Jubbaland iyo dhaqaatiirta isbitalka, waxayna uga warbixiyeen xaaladda isbitalka iyo bukaanada jiifa oo ay sheegeen in ay xaalad adag ku jiraan, wuxuuna raisul wasaarauhu  ballan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan caawinta dadka ku dhibaateeysan isbitalka, isagoo sidoo kale ballan qaaday in laba maalmood gudahood ay magaalada kusoo gaarsiin doonaan deeq raashiin ah.

Isagoo booqashadiisa sii wata ayuu ra’isul wasaaruhu sido kale tagay dakada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, wuxuuna kusoo wareegay dekedda oo ay ku xirnaayeen doomo iyo  siday shixnado ganacsi oo kala duwan, isagoo warbixin ku saabsan dekedda ka dhageystay maareeyaha dekedda Kismaayo C/laahi Dhubad Shiil.

Ugu danbeyntii ra’isul wasaraha ayaa xariga ka jaray bangiga dhexe ee magaalada Kismayo kaasoo dhawaan dayactir lagu sameeyay, wuxuuna goobta ka sheegay in ay tahay tallaabo horumar leh isagoona tilmaamay in arintani ay muujineyso sida shacabka ku dhaqan Jubooyinka ay uga go’antahay dib u dhiska deegaanadooda.

Daawo Kalsan Tv.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply