Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maxkamada Darayada Koobaad ee Ciidanka Qalabka sida Puntland maanta waxaa la horkeenay nin Ajinabi ah oo ku eedeysnaa Hub isugu jira Baastoolado, waxyaabaha qarxa iyo agab kale oo uu soo gelinayay gudaha dalka . Ninkan oo u dhashay dalka Yemen ayaa lagu magacaabaa Saalixi Camuudi waxaana ka dib dhageysi eedeymaha loo soo jeediyay maxkamadu ku riday xukun Dil ah .
Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida C/kariin Xasan Firdhiye ayaa ka hor inta aan la ridin xukunka ninkani ku soo oogay dembiyo la xiriira in ninkan yamaniga ah uu xiriir la leeyahay kooxaha mayalka adag islamarkaana uu ku qanacsanyahay . Qareenka u doodayay ninkan ay dowladu qabatay ayaa isna ka hor xukunka halkaasi ka codsaday in xukunka loo qafiifiyo, waxaanu ku dooday in ninkan uu ahaa caawiyaha ninka iskalaha doonta hubka lagu soo qabtay .
Axmed Cabdi Bootaan Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koobaad ee ciidamada Puntland ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee ninkan lagu riday, ka dib coskasho qodobo dhowr ah oo uu xeerku dhigayay. Ninkan la xukumay oo u dhashay dalka yemen islamarkaana 50sano jir ah ayaa xukunkiisa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Puntland iyadoo hubkii iyo aaladihii kale ee lagu qabtay ay maxkamadu amartay in lagu wareejiyo madaxtooyada Puntland.
Ninkan iyo Dooni uu watay islamarkaana ay ku rarnaayeen Hub kala duwan oo uu ka soo qaaday Mukala yemen ayaa lagu qabtay deegaanka xeebta ah ee Xaabo gobolka Bari isagoo damacsanaa in hubkaasi uu soo geliyo gudaha Puntland.
Figradihiina