Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumadda ee 2014-2015

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku meel-mariyay kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdisho miisaaniyad-sannadkeedka 2014-ka ee ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

Miisaaniyadda sannadkan oo doodo adag ay mudanayaasha baarlamaanku ka yeesheen ayaa ugu dambeyn maanta la meel-mariyay, inkastoo xildhibaannadu ay dhaliilo kala duwan u soo jeediyeen qaabka loo soo diyaariyay.

Codeynta kaddib ayaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar wuxuu ku dhawaaqay in miisaaniyadda ay ansax tahay ayna codka kalsoonida ah siiyeen 162-mudane oo ka mid ahaa xubnihii kulankii saaka xaadiray.

“Waxaa codka kalsoonida ah siiyay miisaaniyadda 162 xildhibaan, toddoba way diideen, saddex kalena way ka aamuseen,” ayuu yiri Jeylaani Nuur oo intaas ku daray inuu farayo in wasaaradda maaliyadda ay howlaheeda wadan karto.

Dhanka kale, wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda, Cabdullaahi Axmed Nuur ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada baarlamaanka ansixinta miinaasiyadda, isagoo xusay in ay diyaarinta miisaaniyaddu socotay muddo sannad ku dhow, isagoo xusay in bilooyin ay ka doodayeen xildhibaannadu miisaaniyadda sannadkan 2014-ka.

Miisaaniyadda sannadkan 2014-ka ee ay ku shaqeynayso dowladda Soomaaliya oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda ayaa wuxuu cadadkeedu dhan yahay in ka badan 128-milyan oo doolarka dalka Mareykanka ah, iyadoo ay xildhibaannada qaarkood dhaliileen mushaaraadka iyo gunnooyinka askarta dowladda loo qoondeeyay.

Ceegaag Online 

Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply