Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa magaalada Kismaayo ka socda u diyaar garowga dhismaha golaha Baarlamaanka Jubaland.
Maamulka Jubaland ayaa horay gudi usaaray dhismaha Baarlamaanka oo ka kooban ku dhawaad 70-meeyo xubnood.
Xubnaha golaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu qeybsan doonaa deegaan oo ka duwan qaabka dowlada dhexe ku qeybsatay xubnaha golaha shacabka oo ku dhisan hab beeleed.
Maalmaha soo socda waxaa magaalada laga filayaa inay soo gaadhaan wafdi ka socda Beesha caalamka gaar ahaan IGAD oo goob joog ka noqda furitaanka shirka lagu dhisayo xubnaha Baarlamaanka Jubaland.
Daba yaaqada Bishan May ayaa la filayaa in howsha dhismaha golaha Baarlamaanka dhinac loo rido.
Ceegaag Online
Xafiiska Wararka kismaayo-Somalia
Figradihiina