Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qoryoolay oo gacanta dawlada Gashay iyo RW Cabdiwali oo booqday maanta (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa shalay safar dhulka ah ku tagay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ah goobihii ugu dambeeyay ee Al-shabaab laga saaro.

Safarkan oo qayb ka ahaa u kuur-galidda xaaladaha gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Qoryooleey shacabka degmadaas, iyadoo intaas kaddib uu ra’iisul wasaaruhu la kulmay shacabka degmada iyo saraakiisha ciidamada.

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamadda xoogga dalka, Jen. Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay dhibaatooyinka ay ka cabanayaan shacabka degmada Qoryooley ay wax ka qabanayaan, isagoo xusay in ay sugayaan ammaanka, isagoo ka dalbaday shacabka inay gacan ka siiyaan kooxaha kusoo dhuumaalaysanaya shacabka dhexdiisa.

Xildhibaan Bishaar Ugaas oo ka mid ah xubnaha golaha baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda degmadaas ayaa uga mahadceliyay ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa AMISOM dadaalka ay ku bixiyeen in degmada laga saaro Al-shabaab iyo inay sugaan ammaanka, taasoo keentay inuu ra’iisul wasaaruhu booqdo degmada.

Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise madaxa hoggaanka saadka booliska Soomaaliyeed oo dhankiisa kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay dhawaan degmada Qoryooleey soo gaari doonaan ciidamadii booliiska Soomaaliyeed si amniga ay ka cabanayaan dadka shacabka iyo dhibaatooyinka kale ee geystaan Al-shabaab wax looga qabto, isagoo intaas ku daray in la gaari doono degmooyinka kale ee weli ku harsan yihiin Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dhammaadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo shacabka iyo maamulka degmada soo dhaweynta ballaaran ee u sameeyeen, isagoo xusay in dhammaan baahiyadii kala duwan ee shacabka iyo maamulka degmada ay soo gudbiyeen wax laga qaban doono.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imaado Qoryooleey anigoo muddo ka maqnaa oo maanta u nimaadno ehelkaygii reer Qoryooley oo mar labaad gumaysi ka xoroobay. 1960-kii ayay xorowday oo calanka Soomaaliya laga taagay maanta waxay ka xorrowday gumaysigii dhiigyacabka ahaa ee Al-shabaab,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri hadal uu jeediyay.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa kormeeray isbitaalka degmada Qoryooley, wuxuuna sheegay in si deg deg ah loo keeno doono isbitaalka qalab uu ku shaqeeyo si dadka deegaanku u helaan adeeg caafimaad oo kaamil ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho; isagoo kusoo gaaray safar dhulka ah oo qaatay muddo ka badan shan saacadood oo toos ah.

Booqashada uu ku tagay ra’iisul wasaaruhu degmada Qoryooleey ayaa qayb ka noqonaysa booqashooyin qaatay labo maalin oo ra’iisul wasaaruhu ugu kuurgalayay xaaladda degmadaas iyo shacaba ku dhaqan.

X/HOL

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply