Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Inka badan 9,345 arady oo Maanta imtixaan u fariisatay (DAAWO SAWIRRADA)

Ardeyda wax ka barata iskuulada magaalada Kismaayo ayaa maanta u fariistay imtixaanaadkii ugu danbeeyay ee sanada 2013-2014, iyadoo tirada ardeyda u fariisatay imtixaanaadka sanadkan ay aad uga badantahay tirade sanadii hore.

Gudoomiyaha dallada waxbarashada Jubooyinka Dr. Axmed Faarax Cali Aweeys oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay imtixaanaadkii ugu danbeeyay ee sanadka ee ay maanta u fariisteen ardeyda wax ka barta iskuulada magaalada Kismaayo.

Dugsiyada waxbarashada ee gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa gacanta ku haysa dallada waxbarashada Jubbooyinka, taas oo taageero ka hesha dalladda FPENS ee fadhigeedu uu yahay magaalada Muqdisho.

sidoo kale Magaalada Kismaayo ayaa waxa ka howlgasha in ka badan 15 Iskuul oo isugu jirtay dugsiyo hoose/dhexe iyo sare, waxaana sidoo kale magaalada ku laba Jaamacadood oo kala ah Jaamacadda gobolka J/hoose iyo Jaamacadda Kismaayo.

DAAWO SAWIRRADA:

 

Ceegaag Online Xafiiska

Wararka kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply