Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaruntii hore ee gobolka J/hoose ee loo yaqaan K2 oo mudooyinkii u danbeeyay saldhig u ahayd ciidamada ammanka maamulka Jubba ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni.
Xaflad si heersare loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeybgaleen madax ay kamid yihiin gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Timojilc, wasiiro ka tirsan maamulka Jubba ayaa lagu qabtay xarunta K2 ee magaalada Kismaayo.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay taliyaha ciidamada amniga Jubbaland Col Gaboobe, waxa uuna sheegay in ay si rasmi ah ugu wareejiyeen xaruntii hore ee gobolka gudoomiyaha gobolka J/hoose Hoose Mudane C/rashiid Gooni.
Intaasi ka dib ayaa waxaa iyana goobta ka hadlay gudoomiyaha gobolka J/hoose C/rashiid Gooni iyo Gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Timojilic ayagoo labadoobu ay sheegeen in ay xaruntani noqon doonto Halka looga talin doono Goblka Jubbada Hoose.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska wararka kismaayo-Somalia
Figradihiina