Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafdi ka socday urur goboleedka Igad isla markaana ay qeyb ka ahaayeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay ergayga urur goboleedka Igad u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Afeey ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, iyadoo ujeedada imaatinka wafdigan ay ahayd dardar gelinta arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo weliba dhameystirka maamulka Jubbaland.
Wafdigan ayaa kulamo ay ilbaabada u xiranyihiin gudaha garoonka kula qaatay madaxda maamulka Jubbaland, odoyaasha dhaqanka iyo madax ka tirsan AMISOM, waxaana gabagabadii kulanka ay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen masuuliyiintani ay ku faahfaahiyeen waxyaalihii ay ka wada hadleen.
Ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Afeey oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in madaxda maamulka Jubba, odoyaasha dhaqanka iyo masuuliyiintii ka socotay dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala sixiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, dardar gelinta arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo weliba dhamestirka golaha baarlamanka ee uu yeelan doono maamul goboleedka Jubbaland.
Sidoo kale lataliyaha ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Max’ed Siciid Cumar oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in la dhameystiro arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka, islamarkaana lasoo xareeyo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn ee uu hogaamiyo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale), si buu yiri ay uu lugihiisa ugu istaago maamulka Jubba kahor inta aan la gaarin bisha Barakeeysan ee ramadaanka ee fooda nagu soo heeysa.
Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay qodobada la isku afgartay ay guul u yihiin guud ahaan shacabka ku dhaqan Jubooyinka, isagoo sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’antahay in la dardar geliyo arimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta deegaanada Jubooyinka.
Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in bishan gudaheeda ay magaalada Kismaayo ka furan doonaan xafiis, kaasoo si toos ah ula shaqeyn doona maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in IGAD ay ka go’antahay ka miro dhalinta dadaallada nabadeed ee ra’isul wasaare C/weli uu ka bilaabay magaalada Kismaayo.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska wararka kismaayo-Somalia
Figradihiina